Liverpool oo ku Dhaw inay Heshiis Cusub ka Saxeexado Laacibka Naby Keita

0
445

Liverpool ayaa ku dhow inay heshiis cusub ka saxeexato xiddiga khadka dhexe ee Naby Keita sida ay sheegayaan wararku.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa galay sanadkii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa Anfield.

Sida laga soo xigtay The Sun, Xiddiga reer Guinea iyo Liverpool ayaa ku dhaw in ay heshiis buuxda ka gaadhaan mustaqbalka xiddiga si ay ugu sii hayaan Anfield.

Xiddiga 27 jirka ah ayaa wakhti isku jira ku qaatay Liverpool tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda xagaagii 2018.

Xiddiga ayaa kulamada uu dhan u saftay 117 kulan waxana uu dhaliyay 11 gool isaga oo kula guulaystay koobabka Premier League, FA Cup, League Cup, Club World Cup & Community Shield.

Xiddiga ayaa inta badan ku dhibaatooda dhaawacyada isaga oo aan si joogto ah ugu ciyaarin khadka dhexe ee kooxdiisa maadaama uuna inta badan taam u ahayn ciyaarista kulamada kooxdiisa.

Leave a Reply