Wasaaradda Ciyaaraha iyo Xidhiidhka Kubadda Koleyga ayaa Furay Horyaalka Heerka 1aad ee Gobolka Awdal

0
287

Xidhiidhka kubadda koleyga Somaliland iyo wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha ayaa si furay tartanka horyaalka kubadda koleyga kooxaha heerka koowaad ee gobolka Awdal.

Tartankan horyaalka kubadda koleyga ee kooxaha heerka koowaad oo laga furay magaalada Boorama ayaa waxa ka qaybgalay furitaankii tartankaas masuuliyiinta wasaaradda, xidhiidhka kubadda cagta heer qaran iyo heer gobolka iyo masuuliyiinta kale maamulka gobolka Awdal iyo degmadaba.

Agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Cabdirashiid Caydiid Yaasiin oo ka hadlay furitaankii tartanka ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin, isla markaana sharaf ay u tahay qabashada tartanka horyaalka kubadda koleyga kooxaha heerka koowaad ee gobolka Awdal.

Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda koleyga, guddoomiyaha gobolka Awdal, isu-duweyaasha wasaaradda iyo xidhiidhka kubadda koleyga gobolka Awdal ayaa iyaguna ka qaybgalay furitaanka tartanka horyaalka kooxaha heerka koowaad ee kubadda koleyga ee gobolka Awdal.

Ciyaaraha kala duwan iyo tartamada kala duwan ayaa guud ahaan ka socda dhamaan gobollada iyo degmooyinka dalka, kaasoo ay wada hirgeliyeen wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo xidhiidhada kala duwan Somaliland.

Leave a Reply