Barca oo Chelsea u Sheegtay Halka Waddo ee ay ku Heli Karto Saxeexa Aubameyang

0
255

Kooxda Barcelona ayaa Chelsea u sheegtay qiimaha ay ku heli karto saxeexa xiddiga weerarka uga ciyaara ee Pierre-Emerick Aubameyang.

Chelsea ayaa doonaysa saxeexa xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang si ay ugu xoojiso weerarkeeda xilli ciyaareedkan ka dib bixitaankii Lukaku iyo Werner.

Barcelona ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang inkasta oo uu kooxda ku soo biiray suuqii January ee bilowgii sanadkan.

Xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay Barcelona qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkii hore isaga oo dhaliyay 13 gool.

Laakiin Mustaqbalka Pierre-Emerick Aubameyang ee kooxda ayuu shaki soo food saaray kadib markii ay kooxdu la soo saxeexatay xiddiga Robert Lewandowski.

Sida ay sheegayaan wararku, kooxda Barcelona ayaa diyaar u ah in ay chelsea ka iibiso xiddiga Aubameyang xagaagan laakiin waxa ay u sheegtay Blues in ay bixiso lacag dhan 25 milyan oo euro.

Leave a Reply