Tabobaraha Brentford oo Qirtay Xiddig ay Kooxdiisu Bartilmaameedsatay Guushii ay ka Gaadheen United

0
216

Markii la weydiiyay haddii uu ku amray ciyaartoydiisa Brentford inay si ula kac ah u bartilmaameedsadaan daciifnimada jireed ee Lisandro Martinez kulankii ay 4-0 kaga badiyeen Man United, Thomas Frank wuxuu yiri:”Waan ogeyn inay u badan tahay inaan ku guuleysan karno kubada labaad”.

“Dabcan waxaan eegnay waxa ay Brighton si fiican u qabatay kulankoodii Man United, Brighton waa sida anaga oo kale qaabka ay u ciyaaraan”.

“Sida caadiga ah Brighton waxay had iyo jeer kubada ka soo dhistaa goolka laakiin waxa ay mar walba ciyaaraan kubada dhaadheer waana waxa aan ka baranay kulankii United”.

“Waan ogeyn in aan haysano hubkaas sidaas darteed waa sababta aan u sameynay.”

Martinez ayaa qaab ciyaareed liita soo bandhigay taas oo keentay in uu Tababare Erik Ten Hag badalo qaybtii dambe ee ciyaarta kuna badalo Varane.

Leave a Reply