Madaxweynaha Somaliland oo guddi baadhis ah u saaray mudaharaadkii 11 bisha

0
264

Haregeysa (Dawan)  Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa guddi wasiiro ah, u saaray in ay soo baadhaan sababta keentay mudaharaadkii Khamiistii, khasaaraha ka dhashay, cidda eedda leh, iyo sida xal mustaqbal oo waara loogu heli karo.

Madaxweynaha ayaa shaqadan u xilsaaray wasiirka arrimaha guddaha Maxamed Kaahin Axmed, wasiirka warfaafinta Saleebaan Yuusuf Cali Koore, wasiirka isgaadhsiinta Cabdiwali Sheekh Cabdillaahi Suufi, wasiirka ganacsiga Maxamuud Sacad Saajin iyo wasiirka xanaannada xoolaha Siciid Sulub Maxamed.

 

Leave a Reply