Fatahaado dad badani ku dhinteen oo ku dhuftay dalka Sudan.

0
267

Jubba (Dawan) Sawirro ay daabacday warbaahinta dowladda Sudan, ayaa muujinaya guryo badan oo dumay, ama ay hoostooda biyo galeen.

In ka badan 7,000 oo guri, ayaa roobabka dabeylaha wata ay waxyeello gaadhsiiyeen, isla markaana dadkyowgii ku noola ay dibed jiif ahaayeen.

Waxaa qaar badan oo ka mid ah dadka uu saameeyay ay ka codsadeen maamulka inay si deg deg ah gargaar loola soo gaadho, iyagoo sheegay inay bannaanka seexanayaan.

Afhayeen u hadlay Golaha Qaranka ee Difaaca Madaniga ah, General Abdul-Jalil Abdul-Rahman, ayaa u sheegay TV-ga Qaranka in qaar kamid ah dhibanayaasha ay ku qaraqmeen daadadka, halka qaar kalena ay ku dhinteen guryahooda.

Xafiiska isku xidhka arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in in ka badan 136,000 oo qof ay saameeyeen fatahaadaha, tan iyo bishii May.

Leave a Reply