Wasaarada Ciyaaraha Soomaliland oo soo xidhay Tartan Ciyaareedka magaalada Caynaba

0
351

Caynaba (Dawan) Isu’duwaha wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa soo xidhay tartan ciyaareed lagu qabtay magaalada Caynabo ee xarunta gobolka Saraar,   kaas oo ay ka soo qayb galeen gunaanadkiisii boqolaal ka mida bulshaweynta degmada Caynabo, madax ka socotay wasaaradda ciyaaraha iyo waliba marti sharaf kale.

Koobkan waxa maalgalisay wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu ka mid yahay dadaalada ay wasaaraddu wado ee gobollada dalka oo dhan laga fulinayo.

Xuseen Axmed Cawd, isu’duwaha wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ee gobolka Saraar ayaa ka warbixiyay tartanka inta kooxood ee ka qayb galay.

Waxa ay ciyaarta kama danbaysta ahi dhexmartay laba koox oo midna ay ku ciyaaraysay dawladda hoose ee degmada halka ta kalena ay ku ciyaaraysay magaca shirkada isgaadhsiita ee Telesom, waxaanay guushu raacday kooxdii ku ciyaaraysay magaca shirkada Telesom.

Waxaanu yidhi “Waxaan idinku dhiirigelinaya safarka intaas le’eg ee ilaa Hargeysa aad soo gasheen, imaatinkiinu ayaa dhallinyarada iyo bahda ciyaarahaba dhiirigelin u ah, aad iyo aad ayaan agaasime iyo guddoomiyeba idiinka mahadcelinayaa, tartanka waxa ka qayb ahaa ilaa lix kooxood, waxa aan guud ahaan hanbalyaynaya kooxihii ka qaybgalay tartanka, waxaan hanbalyaynayaa labada kooxood.”

Leave a Reply