“Miyay Siman Yihiin Dhalinyarada Dalkooda Horumarinaya iyo ka Duminaya ee Mudaharaaday”

0
281

Khadar Cabdi Muuse

Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland ayaa dhalinyaradda ugu baaqay in ay dalkoodda horumarkiisa ilaa shadaan.

Waxaanu da’yarta ku booriyay in ay muujiyaan wadaniyad iyo dal jacayl, isla markaana ay ka ilaaliyaan wax kastoo carqalad ku noqonaya nabad geliyadfa horumarka wadanka.

Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, oo hadal ka jeediyay munaasibad lagu xusayay sanad-guuradi koowaad ee ka soo wareegtqy aasaaska Ururka Horumarinta Waddaniyada Somaliland oo ah urur ay ku midoobeen dhalinyarro reer Somaliland.

Wasiirka oo xafladaasi ka hadlay ayaa dhalinyarada ugu baaqay inay wadankooda jeclaadaan isla markaana qof kasta dhalinyaro ahi uu doorkiisa ka qaato dhismaha qaranka iyo horumarkiisa.

Waxaanu yidhi “Waddaniyadu waa wax qaali ah, inta ay ummadi ka tahay muwaadiniin wadankoodda jecel horumarkiisa, ayuu wadan waliba ka horumarsan yahay wadanka kale. Waxa keliya ee lagu kala hor marayaa waa hal-abuurka iyo hogaaminta, iyo jacaylka dalkiisa. Miyaya siman yihiin dhalinyaradda xafladan inoo qabtay ee dalkoodda horumarinaya, iyo ninka duminaya, ee mudaharaadka abaabulaya”.

“In aad dalkaaga jeclaato, oo aad ku noolaato, oo aad ku qanacdo, oo aad cadawga ka ilaashato, oo aad horumariso, ay waajib inagu tahay dhamaanteen ba. Qofkii garta sidaasi ayaynu leenahay, waamuwaadin ay waddaniyadu ku dheehan tahay. Kii garan waaya, ee taa cakiskeedda ku shaqeeya, wax kastoo uu yahay, waxaynu leenahay ma aha muwaadin”ayuu yidhi Maxamed Xaaji Aadan.

Wasiirku waxa kaloo dhalinyaradda ku baraarujiyay in mudadda sodonka sannadood ah ew ay Somaliland goonida uga taagnayd Soomaaliya in la gaadhay horumar balaadhan.

Waxaanu Ururka dhalinyaradda horumarinta Waddanitadda iyo ictiraafka oo aasaaskoodii ay muddo sanad ahi ka soo wareegtay ayuu ku amaanay in mudadda ay jireen guullo badan ay gaadheen.

Waxaanu yidhi, “Sodonkii sanadood ee aynu Soomaaliya ka midka ahayn, waxay ahaayeen sodon sanadood oo inaga khasaaray. sodonkii ku xigay, oo aynu Somaliland gooni u taagnayn, waxaynu gaadhnay horumar aad iyo aad u wanaagsan, oo wadankeena aynu ku tacabnay, oo geedi socodka nabadda aynu halakna ku soo gaadhnay. markaa waxay ila tahay in aynaan diyaar u ahayn in sodonkaa sanadood oo Madow oo kale dib ugu noqono. Waxay ila tahay caqli kastoo saliim ah, oo si fiican u fekerayaa, sodonkaa sanadood wixii wanaagsan ee horumar ah ee aynu samaynay, in aynu adkayno, oo aynu wax kalena ku sii darno ayuun buu waajibkeenu yahay”.

Geesta kale wasiir Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa dhalinyarada Somaliland ugu bushaareyay in dhawaan la furi doono bar kulanka dhalinyarada ee barashada Waddaniyadda oo furitaankeedi mudo kooban inaga xigto.

 

Leave a Reply