Xisbiga KULMIYE oo Magacaabay Xoghaye Guud oo Cusub

0
299

Qore. Saleeban Kalshaale

Hargeysa(Dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa u magacaabay Xog-hayaha guud ee xisbigaasi Md. Faysal Cabdiraxmaan Madar maalintii shalay, waxaanu bedelay md. Ibraahim Axmed Raabi oo hore xilkaasi u hayey.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay hogaanka xisbiga kulmiye, kaasoo nuqul kamida uu soo gaadhay xafiiska Warqabadka Wargeyska Dawan, Madaxweynaha Qaranku isagoo raacaya dastuurka xisbiga, qodobkiisa 24 farqadiisa (A), markii uu arkay aqoontiisa, kartidiisa iyo inuu hanan karo xilkaasi, guddana karo masuuliyadda ka dhalanaysa, lana tashaday hogaanka xisbiga waxa uu Xoghayaha Guud ee KULMIYE u magacaabay Mudane, Faysal Cabdiraxmaan Madar Axmed.

Wareegtada Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi ku magacaabay Xoghayaha cusub, waxa sidoo kale uu ugu mahad naqay xoghayihii hore ee xilka laga bedelay Ibraahim Raabi.

“Waxaan u rejaynayaa in uu xilka iyo waajibaadkiisa u gudan doono si waafaqsan xeerka xisbiga iyo shuruucda dalka” ayuu madaxweynuhu kula dardaarmay Xog-hayaha cusub, isagoo intaasi raaciyey “waxa aan uga mahad-celinayaa xog-hayihii hore ee Xisbiga Kulmiye muddadii uu xilka hayey”ayuu ku yidhi madaxweynuhu wareegtadiisa.

Xog-hayaha guud ee cusub ayaa ah nin dhalinyaro ah oo muddo dheer ka tirsanaa goleyaasha xisbiga Kulmiye.

 

Leave a Reply