Sanaag Tartanka Heerka 1aad iyo 2aad oo la soo Xidhay

0
283

Qore Khadar M. XaashiCeerigaabo (Dawan) Tartanka ciyaaraha kubadda cagta ee horyaallada heerka 1-aad Iyo heerka 2-aad ayaa xarunta gobolka Sanaag ee magaalada Ceerxigaabo shalay lagu soo gabogabeeyay garoonka weyn ee Daallo Stadium.

Tartankan ayaa waxaa kasoo qaybgalay xidhitaankiisa agaasimaha guud ee wasaaradda dhallinyaradda iyo ciyaaraha Cabdirashiid Caydiid Yaasiin, Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Maxamuud Xasan Cabdillaahi (Qodax), Isuduwaha WDH& Ciyaaraha Gobolka Sanaag Muuse, Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Cagta Fuaad Axmed, Badhasaabka Gobolka Sanaag, Taliyaha Qaybta , Taliye Ku Xigeenka Iyo Salaadiin & Cuqaal kamida Magaalada Ceerigaabo.

Xidhitaanka Tartankan Ayaa Waxaa Hadalo Isla Daba Maray masuuliyiinta Wasaaradda iyo Kuwa Heer Gobolba Oo Uu ugu horeeyay Agaasimaha Guud.Waxaana Ay Dhamaantood Uga Mahadnaqeen Sida Quruxda badan Ee Uu tartankani uga socday Degmada Ceerigaabo Bilihii ugu dambeeyay, Taasi oo ka muuqata Ilbaxnimo Iyo Horumar Laga Gaadhay Dhinaca Sportska,Waxaanan Ka Shaqayn Doonaa Sidii Ciyaarahaasi Ay Unoqon Lahaayeen Qaar Joogto Ah Oo Sanad Waliba Dhici Doona.

Ugu Dambayn Tartanka Heerka 1-aad Ayaa Waxaa Ku Guulaystay Naadiga Gaashaan Oo Ku Qaaday 36Dhibcood, Halka Heerka 2-aad Ay Ku Guulaysatay Naadiga D.Hoose Ee Degmada Maydh 33Dhibcood Ku Qaaday.

Dhinaca kale, isu’duwaha wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa soo xidhay tartan ciyaareed lagu qabtay magaalada Caynabo ee xarunta gobolka Saraar, kaas oo ay ka soo qayb galeen gunaanadkiisii boqolaal ka mida bulshaweynta degmada Caynabo, madax ka socotay wasaaradda ciyaaraha iyo waliba marti sharaf kale.

Koobkan waxa maalgalisay wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu ka mid yahay dadaalada ay wasaaraddu wado ee gobollada dalka oo dhan laga fulinayo.

Xuseen Axmed Cawd, isu’duwaha wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ee gobolka Saraar ayaa ka warbixiyay tartanka inta kooxood ee ka qayb galay.

Waxa ay ciyaarta kama danbaysta ahi dhexmartay laba koox oo midna ay ku ciyaaraysay dawladda hoose ee degmada halka ta kalena ay ku ciyaaraysay magaca shirkada isgaadhsiita ee Telesom, waxaanay guushu raacday kooxdii ku ciyaaraysay magaca shirkada Telesom.

Waxaanu yidhi “Waxaan idinku dhiirigelinaya safarka intaas le’eg ee ilaa Hargeysa aad soo gasheen, imaatinkiinu ayaa dhallinyarada iyo bahda ciyaarahaba dhiirigelin u ah, aad iyo aad ayaan agaasime iyo guddoomiyeba idiinka mahadcelinayaa, tartanka waxa ka qayb ahaa ilaa lix kooxood, waxa aan guud ahaan hanbalyaynaya kooxihii ka qaybgalay tartanka, waxaan hanbalyaynayaa labada kooxood

Leave a Reply