Roobab ka Da’ay Borama iyo Degaanada Hoos Yimaada

0
502

Qore: Faysal Xiis Afgaab

Boorama(Dawan):- Roob ma hiigan ah oo sababay qasaare dhimasho iyo burbur hantiyeed isla markaana adhi badani uu ku lee.day ahaa habeen hore ka da,ay magaalada Boorama.

Maayerka magaalada Boorama Maxamed Axmed Warsame.ayaa sheegay in qasaaraha roobku uu geystay ay ugu waynayd hal qof oo ku geeroyooday oo uu daad qaaday iyo ceelashii biyaha ee magaaladu ka cabbaysay laba ka mid ah oo daad qaaday.waxaanu intaa ku daray in isguulka Cammuud birimari oo u dhaw jaamacadda cammuud in uu roobku dumiyay.

Maayerka Boorama oo khadka talefanka waraysi kooban ku siiyay.ayaaa yidhi. “qasaaraha ugu wayni waa dhimadha wiilka dhallinyarada ah ee daadku qaaday waxaan Tacsi u diraya qoyska uu ka baxay ALLE samir iyo iimaan ha idinka siiyo ayaan leyay waxaa intaa dheer ceelashii biyaha ee magaalada oo uu laba ka mid ah roobku qaaday isguulka Cammuud Primary oo jaamacadda Cammuud u dhawna wuu dumiyay.xoolo adhi ahna wuu qaaday.beebebkii biyaha laftooda wuu gooyay.markaa wax aynu uga baahi badannahay na ma jirto qasaaraha uu dhaliyayna waa intaa.”

Geesta kale roobabkan ayaa khasaare gaadhsiiyey ceelasha biyaha ee shirkada Shaaba ee ku yaala dooxa Camuud iyo dugsiyo waxbarasho oo dhawr ah.

Dhinaca kale waxa ay roobabkan dabaylaha wataa waxyeelo u gaysteen dadka xoolo dhaqatada ah ee ku nool deegaanka Camuud, kuwaas oo ay kaga le’deen tiro badan oo xoolo ah, waxaana kormeer ay xaalada ugu kuurgalayaan deegaankaasi ku tagay maamulka gobolka Awdal iyo masuuliyiinta shirkada Shaaba, iyagoo tacsi u diray dadkii ay saameeyeen Roobabkaas.

Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamed Axamed Caalin Tiinbaro, ayaa bulshada ku cannaantay sida ay uga faa’idaysan lahaayihiin biyaha roobka.

Tiinbaro waxa uu warbaahinta la wadaagay khasaaraha ilaa hadda la og yahay ee ay keeneen roobab mahiigana oo ka da’ay magaalada Borama iyo degaanada hoos yimaada.

Waxaanu yidhi.“Nimaca waliba nusqaanteeday leedahay roobkii da’ay khasaaraha uu gaystay waxa ka mida halka qof ee dhintay, kaas oo ay qaaday Dooxa Camuudeed, iskuulkii oo uu dumiyay, adhi badana wuu laayay iyo biyihii oo uu ka jaray magaalada.

Magaalada Borama xalay oo dhan roob ayaa ka da’ayay haddana qof foosto mijaroorkiisa hoos dhigtay oo ka dhaansaday ma jiro, waar reerkastaba haddii uu barkadyar sameysto oo 20 foosto u qaada inta ay ugu yar tahay 20 cisho ayuu biyo haysan lahaa, marka waxay u muuqata in aynaan u jeedin in aynu biyahan si uga faa’idaysano, dadka guryaha leh waxaan leeyahay qofkasta haysku dayo in uu sameysto weel biyaha uu ku kaydsado”

 

 

 

Leave a Reply