Wasiiro ka Qayb Galay Shir Weynaha Haweenka JSL

0
359

Hargaysa (Dawan)- Shirweynaha Haweenka Jamhuuriyadda Somaliland ee sannadjka 2022 ayaa shalay ka furmay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxaana ka soo qayb galay xubno ka tirsan golaha wasiirrada, agaasimayaal guud, madaxdas ururada haweenka iyo marti sharaf kale.

Shirka oo ay Somailand asoo abaabushay Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Jamhuuriyadda Somalialnd, kaas oo lagu gorfaynayo muddada uu socdo guud ahaan arrimaha haweenka iyo gaar ahaa caqabadaha doorashoyinka ee haweenka ku gadaaman.

Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland oo madashaasi hadal ka jeediyay ayaa u mahad naqay dhamaan xubnihii ka soo qayb-galay shirweynahaasi haweenka, waxaanu yidhi “Dhammaantiin waan idinka mahadcelinayaa kasoo qaybgalkiina, shirkanna waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda shaqo-galinta, qoyska iyo arrimaha bulshada. Ujeedka ugu weyn waxa weeye, maadama oo ay dumarkii ay aad wax u barteen imika, oo aanay aqoon yaraan haynin, ee waa maxay caqabadda dumarka ka haysta ka qaybgalka Siyaasadda ? Jawaabta waxa aynnu ka sugaynaa in shirkan ka soo baxdo, oo doodo adag lays waydaarsan doono inta uu socdo shirku . Waxaan sidoo kale baarlamaanka u sheegaynaa in ay ansixiyaan kootada haweenka, oo ah xal ay haweenku siyaasadda dalka kaga qaybgali karaan.”

Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqo-galinta,Arrimaha Bulshada iyo Qoyska JSL, mudane Cabdirashiid Ibraahim Abdirahman, ayaa sheegay in dumarku ay yihiin cududa ugu wayn ee codka bixisa, haddana aanay haweenku kaalin muuqata ku laha siyaasadda dalka, waxaanu yidhi “Mudanayaal iyo marwooyin sida aynu ognahnay dumarka ayaa ah cududa ugu wayn ee codka bixisa, haddana dumarka kaalin muuqata kuma laha siyaasadda dalka. Sidaas oo ay tahay , dedaallo ay dawladdu hor kacayso , ururada rayidka iyo dhallinyaro is xilqaantay ay qaybka ahaayeen ayaa la waday muddooyinkii ugu danbeeyeen, si dumarku si wayn ugu soo muuqan lahaayeen doorashooyinka soo socda, sidoo kalana loo hirgalin lahaa kootadiii haweenka oo aan illaa hadda aan la ansixin, oo aannu ku rajo weynahay in ay hirgasho, tusaale cadna arrintaa waxaa innagaga filan doorashooyinkii u dambeeyay ee ka dhacay Kenya.”

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wacyi gelinta JSL Saleebaan Cali Koore ayaa isaguna madashaasi hadal ka jeediyay hadallo dhiiri-gelin ah oo ku bogaadinayay haween weynaha Somaliland waxaanu yidhi “Waan dhiirri galinaynaa dumarka Somaliland, Markii la bilaabay siyaasadda Somaliland illaa hadda, waxaa muuqata dedaal fiican, oo ay tahay in la mahadiyo, maanta dumarku darajooyin badan bay haystaan, Waxaan se aad ugu bogaadinayaa in dumarka hanka leh ee siyaasadda soo galay ay gobolka Sool indhaha ku hayaan, waayo saddex dumar ee soo baxay daraawiishta ayay ka soo baxeen”

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL , Maxamed Kaahin Axmed ayaa isaguna munaasibadaasi hadal ka jeediyay waxaanu sheegay in ka qaybqaadashada siyaasadda dalka ee haweenku ay tahay arrin in badan lagu dedaalay, oo waydiimo badan la iska waydiiyay, waxaanu yidhi “Dumarku in ay ka qaybqaataan siyaasadda dalka waa arrin in badan lagu dedaalay, oo waydiimo badan la iska waydiiyay. Dumarku in siyaasadda ka qaybgalaan diintuna way ogoshay , ee waxa hortaagani waa cunfi aan diin iyo dhaqan midna ku dhisnayn. Dumarow haddaad qabyaalad rag u kala leexataan, soo biximaysaan, ee codka idinkaa hayee isku codeeya. Xeerkii qoondada haweenku waa idiin ogal yahay in siyaasadda ka qaybgashaan , lacagtii doorashada ee wasaaradda maaliyadu idinka rabtayna xukuumaddu waa idinka dhaaftay , ee dhankiina ka dedaala. Xukuumado koontadii haweenka Barlamaanka way gaynaysaa, baarlamaankana waxaan rejaynaynaa in ay ansixiyaan”

Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo is bedelka Cimilada marwo Shukri Baandare ayaa sheegtay in masuuliyiinta haweenka ah ee uu magacaabay madaxweynaha Somaliland ay gaadhayaan 19 masuul, waxaanay tidhi “Dhammaan haweenka masuuliyiinta ee madasha qurxiyay iyo kuwa kale ee ka soo qaybgalay aad baan u salaamayaa. Maanta kama yarin 19 masuul oo madaxweynaha magaacaabay ee aynnu mahadino, bari baa jirtay oo gabadha kaliya ee ku jirtay siyaasadda lagu gooban jiray. Sidoo kalana aynu kootada xooga saarno, oo ah sallaanka kaliya ee inoogu dhaw si aan siyaasadda u galno.”

Maayarka magaalada Buuhoodle Marwo Khadiija ayaa madashaasi ka hadashay waxaanay tidhi “Waxaa la odhan jiray dumarka lama maqlaayo xataa hadday soo baxaaan, laakiin aniga oo hadda ah maayir ah, dhamaan shacabka iyo shaqaaluhu way ii dhaga-nugul yihiin

Maanta shirku wuxuu daaran yahay sidii dumarkeennu doorashooyinka ugu soo bixi lahaayeen iyo caqabadaha haysta. Runtii dumarka caqabado badan baa haysta oo ay kamid tahay dhaqanka iyo dhaqaalaha. Waxaa la odhan jiray dumarka lama maqlaayo xataa hadday soo baxaaan, laakiin aniga oo hadda ah maayir, dhamaan shacabka iyo shaqaaluhu way ii dhaganugulyihiin.”

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda JSL Mudane Saleebaan Warsame Guuleed ayaa isaguna soo dhaweeyay shirweynaha haweenka ee lagaga tashanayo masiirka haweeenka waxaanu yidhi “Waa sax in dumarka maanta loo qabto, shirwayne qaran oo lagaga tashanayo masiirka haweenka, oo aynu diiradda ku saarayno caqabadaha haweenka ka haysta ka qayb galida siyaasadda dalka”

Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka oo goobtaasi hadal ka jeediyay ayaa yidhi “Waxaynu isla qirsanahay in Haweenku ay yihiin laf-dhabarta bulshadeenna, dib u dhaca inagu jirana oo aynu adduunweynaha badankii la qabno waynu saxaynaa, Islaamku haweenka wuu sharfay, ee inaguna aynnu sharafno oo aynu taageerno”

Xogayha guud ee ururka Waaberi Salma Abdirahmaan sheikh ayaa sidoo kale goobtaasi hadal ka jeedisay waxaanay tidhi “Salma Abdirahmaan sheikh xogayha guud ee ururka Waaberi “ Fursad baa jirta hadda, oo ka jirta ururada cusub . Aniga oo ah haweenay waxbaratay hore siyaasadda dalka ugu maan qaybgalin, laakiin imika waxaan u arkaa inay urura cusub yihiin fursad dahabi ah oo haweenku ka faa’idaysan karaan. Waana ku faraxsanahay in aan hadda ka qayb ahay hoggaanka ururka , iyaga oo aan aqoon iyo xirfad midna igu dhaamin. Sidoo kale waxaan ururada cusub ugu baaqi lahaa, in haweenka loo fidiyo fursado ay hoggaanka ururka uga mid noqon lahaa, dumarka iyaguna haka faa’idaystaan kanshooyinka hadda horyaala”

Guddoomiyaha ururka NOW, Xaliimo Xaaji Cabdi ayaa si weyn ugu mahad naqday dadweynihii ka soo qaby galay shirkaasi gaar ahaan haweenka, waxaanay tidhi, “ Madashada aad baan u salaamayaa, gaar ahaan haweenka ciidanka. Marka aannu dib u shirnay haween ahaan, xukuumaddani uu hogaaminaayo madaxwayne muuse biixi waa tii ugu badneyd ee haween magacawday , doorashiii ugu danbaysayna waxay ka dhaaftay lacagihii doorashooyinka dawladu ay ka rabtay. Shirkana qodobbada kasoo baxa si weyn baan u soo dhawayanyanaa”

 

Leave a Reply