Ronaldinho oo Sharaxay Farqiga u Dhexeeya Gabriel Jesus Waqtigiisii City iyo Arsenal oo uu Hadda Joogo

0
291

Halyeyga Brazil ee Ronaldinho ayaa sheegay, in Gabriel Jesus uu muujiyey in uu ka mid yahay ciyaaryahannada ugu wanaagsan dunida, kaddib markii uu usoo wareegay Arsenal oo uu bandhig heersare ah ka sameeyey kulamadiisii ugu horreeyey.

Xiddigii hore ee PSG, Barcelona iyo AC Milan ayaa waxa uu sheegay, in Gabriel Jesus uu Arsenal dib ugu soo celin doono Champions League oo sannadihii ugu dambeeyey ay ka maqnayd, isla markaana uu xataa ku hoggaamin karo koobab, inkasta oo aanu magacaabin koobabka ay la tahay in Jesus uu u qaadi doono Gunners.

Gabriel Jesus oo toddoba gool usoo dhaliyey Arsenal kulamadii saxiibtinimo ee xagaaga ayaa ciyaartii Leicester City laba gool saxeexay, halka labadii kulan ee ugu horreeyey ee Premier League ee ay ciyaartay Arsenal uu Jesus ka caawiyey inay guuleysato.

Ronaldinho oo sannadkii 2005 ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or ayaa yidhi: “Markii uu Gabriel Jesus ku biiray Manchester City ayaan sheegay in uu noqon doono mid ka mid  ah ciyaartoyda ugu wanaagsan dunida. Marka la siiyo ursad, waxa uu muujinayay waxa uu qaban karayo, laakiin Man City marnaba uma aanay muujinin jacayl ciyaartoy tayadiisa oo kale leh.

“Arsenal ayaa siisay fursadda uu ku hoggaaminayo afka hore, waxaana jacayl u muujiyey taageereyaasha iyo tababaraha, isaguna mar  horeba waxa uu bilaabay inuu u abaal-gudo. Xilli ciyaareedkan, waxyaabo waaweyn ayaan ka filayaa isaga. Waxa uu gudi doonaa abaalka jacaylka loo muujiyey, kaliya ma aha inuu ka mid noqonayo ciyaartoyda ugu wanaagsan Premier League, laakiin sidoo kale Yurub.”

Arsenal ayaa ayaa £45 milyan oo Gini xagaagii kusoo iibsatay Gabriel Jesus, sidoo kalena Oleksandr Zinchenko ayay £32 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Man City, halka Fabio Vieira ay isagana £32 milyan oo gini kaga soo qaadatay Porto.

 

 

Leave a Reply