Ronaldo oo Go’aan Cusub ka Gaadhay Mustaqbalkiisa, ka dib Heshiiska Casemiro

0
263

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa beddelay go’aankiisii ahaa inuu iskaga tago Manchester United xagaagan, kaddib markii ay kooxdaasi la saxeexatay xiddiga reer Brazil ee Casemiro oo Jimcihii heshiis afar sannadood ah ay la gaadheen.

Cristiano Ronaldo ayaa go’aankiisii hore ee ahaa inuu ka tago Manchester United beddelay, waxaana uu sii joogi doonaa Old Trafford si ay iskaga garab ciyaaraan saaxiibkiisii hore ee Real Madrid ee Casemiro oo ay kusoo wada guuleysteen afar Champions League.

37 jirkan oo hore uga dalbaday Manchester United in la iibiyo xagaagan, si uu ugu wareego koox ka qayb-gelaysa Champions League, isaga oo ka baqaya in Lionel Messi uu dhaafo rikoodhkiisa goolasha ayaa waxa uu xilli ciyaareedkan kusii negaan doonaa Old Trafford, isaga oo kasoo muuqan doona Europa League.

Sida uu kusoo warramayo wariyaha reer Portugal ee Pedro Almeida, Crstiano Ronaldo ayaa ka laabtay go’aankiisii hore, waxaanay sababtu tahay heshiiska Casemiro oo uu rumaysan yahay inuu kooxda kusoo kordhin doono awood iyo xoog sabab u noqota inay ku tartami karaan horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan amaba ay meel fiican ka geli doonaan, inkasta oo laga abadiyey labadii ciyaarood ee u horreeyey.

Pedro Almeida ayaa sheegay, in Cristiano Ronaldo uu la hadlay boodhka maamula Manchester United oo uu ku wargeliyey go’aankiisa cusub ee ah inuu sii joogayo, taas oo tababare Erik ten Hag ka fududaynaysa culayskii badnaa ee uu laacibkani ku hayay ee ahaa in aanu ku niyad-samayn sii  joogista Old Trafford.

Wariye Pedro Almeida ayaa qoraal uu bartiisa Twitter-ka ku daabacay ku yidhi: “GAAR II AH!! Cristiano wuxuu aqbalay inuu sii joogo Manchester United. Imaatinka Casemiro ayaa muhiim u ah go’aanka Ronaldo. Waa xog aan ka helay Manchester United.”

Leave a Reply