Golaha Guurtida Somaliland oo Dood Adag ka Yeeshay Xaaladda Dalka iyo Sicir Bararka Maceeshada

0
302

Guurtidu waxay farriin u direen Ganacsatada  oo ay ugu baaqeen in ay dadkoda u tudhaan

Hargeysa (Dawan):-Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland,ayaa dood adag ka yeeshay xaaladda guud ee dalka,gaar ahaan sicir bararka maceeshada oo circa isku shareeray isla markaana taabtay nolosha dadka.

fadhigoodii shalay oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golaha Guurtida mudane Saleeaan Maxamuud Aadan

waxay mudaneyaasha glaha guurtida Somaliland si adag uga hadleen xaaladda sicir bararka aan marnaba hoos u soo noqonayn ee maalin kasta kor u sii socda iyo halista ay ku sugan yihiin dadka danyarta ah ee reer Somaliland.

Waxaanay Xildhibaanadu farriimo kala duwan u direen ganacsatada kala duwan iyo xukuumadda gaar ahaan wasaaradda Ganacsiga oo ay sheegeen in ay masuuliyadda koobaad ee arrimaha ganacsiga leedahay.

Waxaa kale oo ay Xukuumadda usoo jeediyeen in ay dalka keento shidaal iyo raashin si loo badbaadiyo nolosha bulshada isla markaana looga qabto Ganacsatada koror ku macaashka ah sida ay sheegeen.

Waxaa  kale oo ay si adag uga hadleen waxsoo saar la,aanta dalka iyo sida uu dhulkeenu u yahay dhul wacan wax beerashada,taasoo ay eedeeda saareen tijaarta wax soo dejisa oo ay tilmaameen in aanay dhulka hoos u eegin isla markaana aanay dalka wax soo saar ku samaynin.

Waxaanay Xukuumadda usoo jeediyeen tijaarka aan dhulka wax ka beerin ee aan waxsoosaar samamaynin in aan liisan lasiinin,halka ay tijaarta ugu baaqeen in ay bananka dalka wax ka beeraan oo uu dalku wax soosaar yeesho.

Waxaa kale oo ay doodad mudaneyaasha golaha Guurtidu hoosta ka xariiqday in aan sicir bararku hoos u dhacayn waxna aanay jabayn ee ay kor usii soconayaan illaa dadku wax ay la soo baxaan oo aynu kayd raashin yeelano

 

 

Xildhibaan Caydiid Cabdi Maxamed, ayaa xukuumadda ka codsaday in ganacsadaha aan dalka gudihiisa wax ka beerin lagala noqdo liisanka ganacsiga, waxaanu intaas ku daray in ganacstada looga baahanyahay in bananka waaweyn ee dalka wax laga beero, si aynu dalka dibediisa wax ugu dhoofino ama ugu yaraan aan ku filnaano waxsoosaarka cuntadeena.

Waxaanu yidhi.“Waxaan soo jeedinaya nimanka wax soo dejiya ee keena nin aan dalka wax ka beerin oo aan sameyn wax-soo-saar yaan la siin liisanka ganacsiga, sababtoo ah wax uu soo dhoofiyo mooyaane wax uu dalka dibediisa gaynayaa ma jiro, waxna ma qaadayo oo dalkii kama qaadayo,  bananka waaweyn ee dalka ee wax laga beeri karo ganacstadu wax haka beereen, wixii ay soo dejinayaanna ha soo dejiyaan”

Xildhibaan Cabdicasiis Fure ayaa xukuumadda Somaliland ka socday in ay keento Maraakiib shidaal iyo raashinba leh, si xal loogu helo qiima korodhka maceeshada ee ganacsatadu qiimaha ay doonaan bulshada kaga iibinayaan.

Waxaanu yidhi.“Dawladdu si ay hoos ugu dhigto sicirbararka waa in ay keento Maraakiib raashin, iyo shidaal ah,  sicirbararkaasi hoos ayuu u dhacayaa, marka uu ganacsadaha sicirbararka samada geeyay ogaado in dawladdu raashin iyo shidaalba keentay qiimaha wuu ka jabinaya bulshada oo wax wax lagaga iibsan karo ayuu siinayaa.”

Xildhibaan Maxamuud Cali Shire ayaa si aan gabasho lahayn u sheegay in dalku cid gaar ah u afduuban yahya, isaga oo hoosta ka xariiqay in waxyaabihii aasaaska u ahaa nolosha bulshada ay gacanta u galeen dadyow madax bannaan, isaga oo wasaaradda ganacsiga ku canaantay in kaliya qorshaheedii noqday dalka Yukrayn ayaa sabab u ah qiima korodhka maceesha iyo hadalo kale oo aan dhaafsiisnayn, isla markaana aan xal u ahayn xaaladda hadda dalka ka jirta ee danyarta saamaysay.

Waxaanu yidhi. “Maanta dalku kooxo ayuu u afduuban yahay, shidaalkii cidba keenaysa, laydhkii cid gaara ayaa gacanta ku haysa, maceeshadii dad gaara ayaa leh, waxa la yidhi baayac mushtarigu waa xor.

Wasaaradda ganacsiga hadalkeedu waxa uu ku soo koobmay Yukrayna dagaalba ka dhacay, caalamkana waxa kacay qiimihii woxoodu intaas ma dhaafo”

Xildhibaan Axmed Dirir Cali ayaa golaha ka codsaday in loo yeedho wasiirka wasaaradda ganacsiga si wax looga weydiiyo sicirbararka bulshada ku keenay in ay beerka dhulka ku hayaan, isla markaana loo ogaado waxa xudunta u ah qiimo korodhka maceeshada iyo shidaalka.

Waxaanu yidhi.“Waxa looga baahanyahay hay’addaha dawladda ee ay khuseyso iyaga oo la kaashanaya dadka aqoonyahanka ah, ee khabiirada dhaqaalaha waa in ay baadhitaan ku sameeyaan waxa sababta u ah kor u kaca aan soo noqoshada lahayn ee sicirka bararka bulshada ragaadiyay”

Xildhibaan Jirde Siciid Maxamuud ayaa sheegay in reerka  biil iyo wax ay ku noolaadaan uu kontonka dollar u noqon jiray, balse hadda kaliya kiish sonkor ama bariis ah uu isugu soo ururay, taasina ay meesha ka saartay bulshadii danyarta ahayd ee qaada ma dhargaha ahayd.

Waxaau yidhi.“Konton dollar ayaa qoyska rufucyo badan u goynaysay, oo illaa 20-ka bisha uu ku sii noolaan karayay, kontonkii dollar ee ay danyartu ku noolayd gabdad sokora oo kaliya ayaanay imika goynayn, marka ganacstada waxaan  ugu baaqayaa in ay bulshadooda u naxaan si ILLAAHEY inoogu naxariisto”

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Diiriye, ayaa ganacsatada ugu baaqay in ay ILLAAHEY kaga cabsadaan waxa ay haystaan ee bulshada ay ka iibinayaan, isla markaana iyagu aanay qayb ka noqon sicirbararka maalinba maalinta ka danbaysa cirka sii maraya.

Waxaanu yidhi.“Bakhaar ayaa wax ka iibsaday, maalin maalmaha ka mid ah, markaan shan maalmood illaa lix maalmood ka maqna ayaan ku soo noqday isla alaabtii ayaan iibsaday qiimuhu iga siiyay mid ka duwan ayuu iga siiyay, markaas ayaan  weydiiyay, waar maxaa kordhay ee bedelay intaasad iga siisay maalintii hore, markaasu yidhi isbeddel ayaa dhacay, maalin saddexaadii ayaan ku soo noqday, markaasu intii in ka badan yidhi, markaasi ayaan ku idhi waar waxani wax maaha, marka qofkasta oo meherad haysta isaga ayuunba is leh wax kordhi, marka ganacstadu ama ha yar yaraato ama ha waa weynate ILLAAHEY haka cabsadaan, waxa loo baahanyahay in  marka hore wasiirka ganacsiga loo yeedho oo xaaladda ganacsiga aynu ogaano, dawladda ayaa ka masuul ah ee xil hayska saarto”

Xildhibaan Muuse Xaaji Maxamed ayaa sheegay in bulshada Somaliland iyo ganacstadeedu wax ay dibada ka keensato mooyaane aanu jirin waxay dhoofisa, taasina ay sabab u tahay sicir bararka bulshada naafeeyay.

Waxaanu yidhi. “Waxaan soo jeedinaya mar haddii aynaan wax soo saar lahayn oo dalka dibeddiisa aynaan waxba u dhoofinayn ee wuxuun aynu keensanayno wixii aynu u baahannahay 99% dibeda ayay inooga yimaadaan, tamaandhada ayaa ugu yar oo dibedda ayay inooga timaada, markaa mar haddii aynaan waxbaba la soo baxayn sicirbarar wuu jirayaa, waxaas oo  dhami waxa ay ku soo ururayaan ilbaxnimo inagga qaldantee waxna aynu la soo baxno waxna aynu nidaamsano”

Hadalkan xildhibaanada ayaa ku soo beegmaya xilli dalka uu ka jiro sicirbarar naafeeyay noloshada bulshada, isla markaana bulshada qaarkeed ay tahli kari waayeen shilinka ay haystaan in ay suuqyada ganacsiga wax kaga iibsadaan,waana dooddii ugu adkayd ee golaha guurtidu uu ka yeeshay xaaladda sicir bararka iyagoo dooddii hore ee  dorrraad na kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalku ku jiro iyo muranka u sharci ee arrimaha doorashooyinka oo ay dhinacyada u soo jeediyeen in ay xal siyaasiya ka gaadhaan muranka sharci ee ay isku hayaan.

 

 

 

Leave a Reply