Camalka Wanaagsan iyo Aqbalkiisa!

0
604

Quraanka Kariimka ah ayuu ALLE (SW) inoogu cadeeyay in kuwa isaga ka cabsada oo keliya laga aqbalo camalka ay sameeyaan. Labadii wiil ee uu dhalay Nebi Aadam ee sadaqada bixiyay oo mid la aqbalay , ayuu Allah (sw) ino cadeeyay inay sababtu tahay iyadoo Allah wax ka aqbalo oo keliya kuwa isaga cabsada.

Cali Binu Adu-dalib (rc) wuxu yidhi “ Noqda kuwa uu kaga adag yahay aqbalku camalku, samayntiisa” Ujeedaduna waa ku dadaala sidii camalkiina loo aqbalo. Arinkaasi ayaa ka horeeya samaynay camalka wanaagsan.

Amiir Cumar Binu Khadaab (rc)  ayaan maalin miskiin usoo galay , markaasi ayuu ku yidhi Wiilkiisa “ Sii hal Diinaar” wuu siiyay. Markii uu tegay ayuu wiilkiisu ku yidhi “ Aabo Allah hakaa aqbalo”. Cumar (rc) wuxu yidhi “ hadii aan ogaan lahaa in Allah (sw) sujuud keliya ama dirham aan sadaqad u bixiyay inuu iga aqbalay, waxaan jeclaan lahaa Geerida”.  In camalkaaga la aqbalaa waxay ku xidhan tahay cabsida Allah (sw) iyo sida aad u jecashahay. Qofka waxa looga baahan yahay in uu noqdo qof toosaan oo xaaraanta iska ilaaliyay.

Dadkii hore ee wanaagsanaa ( (سلف الصالحwaxa ay ku celcelin jireen odhaada ah :” Haddii aan ogaan lahaa, in Allah (sw) salaad qudha iga aqbalay , taasi ayaa iiga khayr badnaan lahayd Aduunyada iyo wixii dhexdeeda yaalla”.   Samaynta camalkana waxa ka muhiimsan inaad ku dadaasho sida Allah (sw) u aqbalo inaad u fuliso oo aad ku toosnaato.

Leave a Reply