Xasaraddii Xisbiyada Mucaaridku ma Qurbaha ayay Door moodeen
Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu ku dhisan yahay midnimada shacbiga gudaha iyo dibedda oo meel uga soo wada jeeda illaalinta Madaxbanaanidiisa, nabad-gelyadiisa iyo sumcadiisa dal ahaaneed, taasoo ah dhidibada lama huraanka ah ee uu ku taagan yahay tan iyo markii aynu dib-ula-soo noqonay xorriyadda.
Iyada oo ay sidaas tahay, sannadihii u dambeeyey waxa soo kordhay arragtiyo siyaasadeed oo xoqaya dareemo umadda kala qaybinaya, una muuqda inay duulimmaad ku yihiin midnimada iyo wada-jirka bulshada ku fooggan difaaca jiritaanka Qarankooda, waxaana arrimahaasi liddiga ku ah dalka iyo dawladnimada hoggaaminaya madaxda Asxaabta Mucaaridka ee WADDANI iyo UCID iyo shakhsiyaad dano gaar ah leh oo ay qaarkood si badheedh ah u tumayaan durbaanno loogu baaqayo mashaakil.
Olollaha kala qaybinta iyo curfi-abuurku wuxuu ka socday gudaha dalka laga soo bilaabo 2017, inkasta oo uu muddo shiiqay, wuxuuse sii xoogaystay oo uu mar kale fagaareyaasha siyaasadda la fal-galay markii uu cusboonaaday khilaafka arrimaha Doorashooyinka ee qaybtoodii adkaa xalka laga gaadhay usbuucyadii la soo dhaafay.
Waxaynu ka dheregsannahay gudaha dalka wixii dhibaatooyin iyo ceeb ka dhashay buuqii iyo qalallaasihii ay xisbiyada mucaaridku abaabuleen ee ay ku sheegeen muddaharaadyada Salmiga ah, iyadoo laga baaqsan karayey khasaarihii iyo waxyeelladii gaadhay shacbiga sida xun ee bilaa qorshaha ah loogu jiheeyey isu-soo-baxyada bishii August.
Waxa kale oo xaqiiqo ah, xog-oggaalkuna ogsoonyahay in aanay xisbiyadda mucaaridku wax lib ah ka guntan muddaharaadyadii ay sida qarriban u abaabuleen ee sababay isku-dhacyada Hay’addaha amniga iyo shacbiga manjaro-habowsan, waana hubaal inay yaqiinsadeen in tallaabadii ay qaadeen dhib mooyee aanay guuli uga dhalan, midhaheedana way hayaan oo waxa la gudboon inay dhayaan dhaawacyadii mashaqadaas kaga timi.
Haddaba, iyada oo uu xaalku sidaa yahay, isla arrimaha doorashooyinkana qodobadii ugu cuslaa ay soo afjareen hay’addaha qaranka u qaabilsan fulintoodu, loona baahan yahay sidii wada jir loogu dhaqaaqi lahaa qabsoomida doorashada muddo-dhaaftay ee madaxtooyada iyo tan ururada iyo asxaabta qaranka ee shinkeedu taagan yahay, ayaa waxa maalmihii u dambeeyey qalabka warbaahinta laga soo tebiyey xubno kamida siyaasiyiinta ka tirsan asxaabta mucaaridka oo hadalladii qalafsanaa iyo qaybintii shacbiga u waariday jaalliyadaha dibedda, gaar ahaan qurbo-joogta ku dhaqan boqortooyada Ingiriiska.
Xubnahaasi oo aynu ka xusi karno Siyaasiga Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa ka soo muuqday munaasibad ay ka soo qaybgaleen dad kooban oo kamida jaalliyada ballaadhan ee Somaliland ee deggan dalkaasi, waxaanu xafladaasi ka jeediyey hadallo uu si qaawan oo ka baxsan anshaxa iyo asluubta siyaasadda ugu turqay masiirka iyo midnimada umadda Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaasoo uu qarankan 31 sano jirsaday ku celiyey marxalado laga soo gudbay wakhtigii dib-u-dhiska iyo aasaaska Dawladnimo, isagoo ku tiraabay hadallo tilmaan cad ka bixiyey in uu xoqanayo in dalku dib ugu noqdo halkii uu ka yimi, dadka madasha joogayna dhegaha ugu ridayey xiqdiga iyo xasaradda uu hurinayo oo uu ogyahay in aanay dalka iyo dibedda toona ku uumanayn cid maanta u diyaar ah oo uu ku hoggaamin karaa, balse uu ka dhiganayo golaaftan siyaasi ah iyo wax ma garatada kiciya.
Siyaasi Cukuse oo ah nin taariikh siyaasaddeed iyo mid shakhsiba leh, isla markaana sida la ogyahay Xisbiga Kulmiye ka tirsanaa wakhti dheer, xilalna ka soo qabtay xukuumaddii hore ee Kulmiye ee Axmed Siilaanyo iyo tan Md. Muuse Biixi Cabdi, kaydka Warbaahintana ay yaallaan afkaartii shalay uu aaminsanaa ee la xidhiidhay dhacdooyinka uu maanta ka dhiiloonayaa olollaha uu Dalka UK ka bilaabay waxa muuqata inuu bilow u yahay geedi-xasaradeed oo ay xisbigiisa WADDANI iyo lammaankiisa UCID kaga bilaabayaan qurba-joogga dhexdooda fidmadii ay dalka gudihiisa ka abaabulayeen ee u socon wayday, isla markaana ay ka niyad-jabeen tageerayaashooda maalinba maalinta ka dambeysa ay ka luminayaan rejadu. Waxa kale oo laga dheehanayaa inuu dardar gelinayo qorsheyaal hore uga fashilmay labadaasi xisbi oo ku wajahnaa siyaasadda dalka. waxaase la yaab leh in umadda uu hadda ku wacyigelinayo inay ka qayb-qaataan qaska dalka ee Jaalliyadda uu marar badan isagoo xisbiga Kulmiye ka tirsan ku waaniyey qadiyaddaas cakiskeeda oo ah inay horumarka iyo wanaagga Waddanka hormuud u noqdaan, kana fogaadaan wax kasta oo dhaawacaya qarannimada iyo nabadgelyada, labadaas dareen sida looga wada qaadanayo ayaan suurto-gal ahayn, isla markaana ka dhigan “shalay aan dhisno maantana aynu dumino” oo aan caqliga caafimaadka qabaa aanu qaadan karin, muujinaysana qiyam xumo iyo qorshe -darro siyaasaddeed oo aanu shacbiga kala xishoonin, isku-arragtina ay ka yihiin xisbiyada uu ka tirsan yahay.
Sidaas darteed, umadda Somaliland gudo iyo dibadba waxa la gudboon inay dooc iyo dareen buuxa ka yeeshaan dhaqdhaqaaqyada aan wacyiga iyo waayaha la marayo waafaqsanayn ee xasiloonida iyo wada-jirka qaranka ku tafaafulayaan siyaasiyiinta danlayda ah ee ku jah-wareeray shaxda fagaaraha taalla, waana inay muwaadiniintu ogaadaan in aan hirdanka siyaasiga ah iyo in loo midaysnaado nabad-gelyada waddanku aanay ahayn laba arrimood oo isku-lamaan ama saameyn isku yeellan kara. Waayo? Iyadoo loo tartamayo xisbiyo, Ururo iyo siyaasiyiinba waxa laga midaysan yahay ee lama taabtaanka ahi waa sinnaanta iyo isku-tolnaanta umadda ku abtirsata Jamhuuriyadda Somaliland.