Maaraynta Sugnaanshiyo La’aanta Dhanka Cuntada (I)

0
127

Sugnaanshiyo la’aanta cunto waxa lagu qeexay la’aanshaha helitaan joogto ah oo cunto si loo helo nolol caafimaad qabta oo horusocod leh. Haddii si kale loo dhigo, waxa jira malaayiin dad ah oo saaran dunida korkeeda kuwaas oo waajahaya yaraansho dhanka cunada ah oo kaliya haysta wax ay maalin ku noolaadaan ama maalin badhkeed.

Sannadkii 2018, tusaale ahaan, waxaa la sheegay in 9-kii qof ee Maraykanka ahba 1 qof ay soo food saartay cunto yari. Taasi waxay u dhigantaa 37 milyan oo qof, in ka badan 11 milyan oo ka mid ahina ay yihiin carruur. Gaajada iyo sugnaanshiyo la’aanta cunto ayaa isku dhow, waxaana la odhan karaa marka qofku uu la tacaalayo cunto yari, waxa uu noqon doonaa mid gaajaysan. Gaajaduna waxay u horseedi doontaa saboolnimo iyo cudurro, in kasta oo dhammaan dadka ku nool wixii ka hooseeyaa xariiqda saboolnimadu aanay la kulmin sugnaanshiyo la’aan dhanka cuntada ah, hadana kuwa ku nool wixii ka sarreeya xariiqa saboolnimada qudhoodu waxa ay la kulmi karaan cunto yaraan.

Sugnaanshiyo la’aanta cuntadu waa fikrad khatar ah maadaama aanay meel qudha ku koobnayn. Qoysaska danta yar waxa saamayn ku yeelan kara arrimo isa saaran sida go’doon bulsho, dhibaatooyin caafimaad soo boodo ah iyo kuwo daba dheeraada, la’aanshaha guryo la awoodi karayo kiradooda, mushahar yaraan iyo kharashaad caafimaad oo aanay awoodi karin bixintiisa iyo kuwo kale. Arrimahani waxay sidoo kale keeni karaan sugnaanshiyo la’aan dhanka cunnada ah; waxana ka sii dhalan karaysa xaalad nololeed oo aad u adag oo aad u khatar badan.

Arrimahaas iyo kuwo kaleba waa go’aamiyeyaasha bulsho caafimaad qabta, marka la doonayo in tallaabooyin wax-ku-ool ah laga qaado sugnaanshiyo la’aanta dhanka cunnada, waa in sidoo kale wax laga qabto caqabadahan isa saaran ee aynu kor ku soo xusnay. Halkan waxa aynu kaga doodi doonaa sababaha, saamaynaha iyo xaliimaha wax-ku-oolka ah ee sugnaanshiyo la’aanta cunnada.

Sababaha keena sugnaanshiyo la’aanta cunnada

  1. La’aanshaha Dhul La Beerto:

Cuntada waxaa laga beeraa ama laga soo saaraa dhulka. Marka sidaas la sameeyo, dakhli ayaa sidoo kale la soo saaraa. Si kastaba ha ahaato’e, dad badan ayaan haysan dhul ay iyagu leeyihiin, ama ma awoodaan inay helaan dhul ay beertaan. Lahaanshaha dhulku waxa uu xoojiyaa wax-soo-saarka beeraha iyada oo loo isticmaali karo in lagu soo saaro dalagyo cunto oo kala duwan xitaa heerar yar. Haddii aan la helin dhul la beerto, si kastaba ha ahaato’e, waxay taasi la macno tahay la’aanshaha khayraadkii muhiimka ahaa ee soo saarista dalagyada kala duwan ee cuntada.

  1. Dhul Qabshasho:

Waxay si dhaw ula xidhiidhaa qodobka kore. Dhul qabsashadu waa marka dhulkii dhaqan ahaan ay lahaan jireen ama ay beeran jireen reero ama kooxo ama beelo ay ka qaataan maalgashadayaal waaweyn ama masuuliyiin dawladeed oo miisaan leh.

Waxay helaan dhulka si ay u balaadhiyaan boqortooyadooda, uga soo saaraan kheyraadka dabiiciga ah, ama xitaa ay u beertaan cunto ay dhoofiyaan. Qabsashada dhulku waxay bulshada deegaanka ka reebaysaa kheyraadka ay aadka ugu baahan yihiin si ay u beeraan dalagyo cunto iyo khudaar, si ay u badbaadaan. Natiijada kama dambaysta ahi waa faqri iyo xasillooni-darro bulsheed, taasi oo sii xumaynaysa cunto yarida.

  1. Colaad, Rabshad iyo Dagaallo:

Isku dhacyada, dagaallada iyo rabshadaha ayaa saameeya wax-soo-saarka cuntada iyo saadka. Inta badan wadamada ay dagaalada sokeeye ka dhaceen sanadihii lasoo dhaafay, cunto yaridu aad ayay u sarraysaa, tusaale ahaan Soomaaliya iyo South-Sudan. Tusaalaha labaad waa wax-soo-saarka beeraha ee Suuriya, kaas oo ay si xun u saameeyeen colaaduhu. Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay FAO bishii October 2018-dii, 5.5 milyan qof oo Suuriyaan ah ayaa wajahaya cunto yari, qeyb ka mid ahna waxaa sabab u ah colaadda. Cunto yarida la xidhiidha iskahorimaadyada ayaa sidoo kale dhalin karta dhibaatooyin cunto oo sannado badan qaadata xitaa haddii dagaalku uu dhammaado.

  1. Xeerarka Ganacsiga oo aan Cadaaladda ku Dhisnayn:

Siyaabaha ay shirkadaha waaweyni ula ganacsadaan kuwa cuntada soo saara ee maxaliga ah ayaa ah kuwa aan cadaalad ku dhisnayn oo aan ku abaalmarin beeralayda qiimaha ay ku shaqeystaan ​​ama waxa ay soo saaraan.

Beeraleyda sida fiican u diyaarsani waxay heli karaan qandaraasyo cunto, laakiin beeralayda yar yari waxay inta badan si xoog ah uga shaqayn doonaan beero la qandaraasay. Dhaqannada noocan oo kale ah waxay sii kordhinayaan cunto yarida, gaar ahaan beeralayda yaryar iyo kuwa aan dhaqaale ahaan degganayn.

  1. Tirada Dadweynaha Oo Si Xawli Ah U Kordhaysa:

Waxa aynu ku nool nahay duni tirada dadka dhalanayaa ay ka badan tahay tirada dadka dhimanaya. Tirada dadka oo sii kordhaysaa waxa ay ka dhigan tahay in ay jiraan afaf dheeraad ah oo u baahan in maalin walba la quudiyo. Korodhka tirada dadka, iyada oo cuntada la hayo koboceedu uu kooban yahay, waxa ay la macno tahay sugnaanshiyo la’aan cunto oo sii kordhaysa.

  1. Masiibooyinka Dabiiciga ah:

Abaaraha, daadadka, duufaannada, fulkaaneyaasha iyo masiibooyinka kale ee dabiiciga ahi waxa ay tirtiri karaan dhammaan dalagyada ama waxay baabi’in karaan dalagyada. Tani waxay si gaar ah dhibaato ugu geysataa bulshooyinka reer miyiga ah iyo qoysaska, kuwaas oo guud ahaan ku tiirsan wax-soo-saarkan oo kale iyo beerista dhul kooban oo ay ka helaan cunto maalmeedkooda.

  1. Isbeddelka Cimilada:

Isbeddellada ku yimaadda qaababka cimiladu waxay si qoto-dheer u saameeyeen beeraha. Beeraleyda ayaa la kulma saameynta isbedelka cimilada, maadaama ay roobabkii ka raagayaan, abaaruhuna ay sii soconayaan. Biyaha saafiga ah ayaa sidoo kale aad u yaraada taas oo ay sabab u tahay kor u kaca heerka badda, duufaanada, iyo dhacdooyinka kale ee cimilada daran, kuwaas oo aad u badan; aadna u xoog badan.

  1. Shiiqinta Suuqa ee Shirkado Shisheeye:

Ganacsato waaweyn oo caalami ah iyo kuwa wax dhoofiya ayaa ku soo qulqulaya suuqa cuntada, taas oo la macno ah in beeralayda yar yari ay haystaan dariiqyo xadidan oo ay ku suuq geyn karaan wax-soo-saarkooda. Sidaasi awgeed, waxay ku iibiyaan qiimo aan cadaalad ahayn, iyadoo ganacsatada waaweyni ay gacanta ku hayaan suuqa, oo ay ka mid tahay in ay raashinka qiimo sarre ku iibiyaan, iyaga oo bartilmaameedsada macaamiishooda oo inta badan si xad dhaaf ah u doorta, taasina ay keento khasaare.

 

Qore: Maxamed Cabdikariim Axmed (Shiil)

Leave a Reply