Golaha Guurtida oo sheegay in arrimaha Garsoorka Dalku meel Fiican marayaan

0
252

Hargeysa (Dawan) Mudanayaasha golaha guurtida Somaliland ayaa sheegay in arrimaha Garsoorka dalku hadda meeshi ugu wanaagsaneyd ay marayaan, isla markaana goobaha ay ku hawlgalaan lagu kordhiyay dhismayaal cusub kuwaas oo qayb ka ka ah hawl socodsiinta arrimaha garsoorka, waxaaney intaas ku dareen in dhismayaashi hore u jirayna dib u habayn iyo dayactir lagu sameeyo.

Sidoo kale waxa ay guddoomiyaha maxkamadda sarre ku boggaadiyeen in uu kor u qaaday mooralka shaqaalaha iyo garsoorayaashada bulshada u garqana.

Waxaaney sidan ka sheegeen fadhigii shalay ee golaha guurtida oo uu shirguddoominayay guddoomiyaha golahaasi mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, iyaga oo ka doodayay qodobka Garsoorka.

Xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble, ayaa sheegay in arrimaha garsoorka ee dalku meshi u wanaagsanayd ay marayaan, isla markaana xarumaha ay ku shaqeeyaan bahda garsoorka Somaliland lagu kordhiyay dhismayaal cusub, kuwii hore u jirayna dib u habayn iyo dayactir lagu sameeyay.

Waxaanu yidhi.“Garsoorka dalku waxa uu ka mid yahay hay’addaha tallaabooyinka waa weyn qaaday, horumar ayuu sameeyay,  xagga dhismaha iyo awooda ay ku shaqaynayaan iyo xagga tayada intaba.

Sababto ah maxkamaddaha waxa jooga Garsoorayaal sharciyaqaano ka soo baxay Jaamacadaha dalka.

Guddoomiyaha hadda maxkamadda sarre jooga waxaan u arka in ay tallaabooyin waa weyn qaadeen, maxkamada racfaanka diba loo dhisay oo xarun cusub ayaa loo sameeyay, xeer ilaalinta iyadana dib ayaa loo dhisay oo xarun cusub ayaa loo dhisay, maxkamadda sare dib u habayn iyo dayactir ayaa ka socda”

Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed, ayaa soo jeediyay in dalka lagu dhaqo Kitaabka ALLE, isla markaana la fuliyo xukunadda kiisaska dhammaaday si bulshadii loo kala badbaadiyo, waxaanu intaas raaciyay in si arrimaha garsoorka ee dalku u noqdaan kuwa cadaalad ku dhisan in Garsoorayaasha bulshada u garnaqaya la siiyo mushahar ku filan, isla markaana la sugo abnigooda.

Waxaanu yidhi.“Marka inaga ayay inagu filan tahay inta aynu xeer qorno in aynu nidhaahno wixii hore oo dhan hala daadiyo, labada goleba aan marino oo Kitaabka Shareecada Islaamka hala mariyo.

Maxkamadduhu go’aano ayay soo saaraan, marka go’aamada ay soo saaraan haddii ay fuliwaayaan cadaaladd jiraysa ma jirto, sababto marka ay bulshadu nidaamka soo maraan ee soo dacwadu dhammaato haddii fulin ay weydaydo kii wax helayna cadaalad ma helin, kii laga helayna cadaalad ma helin, marka waa in fulintu wax alla wixii go’aamo dhaca inay fulin helaanba muhiim ah, marka in aynu fulinta dadejino oo fulinta ku dhiiranaa cadaalada ayay qayb ka tahay haddii kale bini’aadamku wuu isa sudhnaanayaa uun, marka wixii kisas ah ee fulin u baahan waa si la fuliyo.

Dadka Garsoorka inoo haya laba arinba haddaan laga dhisin iyaduna cadaalad sugmimayso, midi waxa weeye dhaqaale ahaan in la kabo cidda garsoorka inoo haysa oo dhaqaale ku filan la siiyo.

Garsooraha dadka u garnaqaya haddii aan ammaankiisa la sugin iyaduna cadaaladdu sugmimayso, marka in hungurigiisii iyo dhaqaalihiisiina la sugo, ammaankiisi iyo naftiisiina la sugo”

Xildhibaan Maxamuud Maxamed Jaamac, ayaa sheegay in maxaabiista lagu soo xidhxidho falalka la xidhiidha maandooriyaha, aan loo daynayn halkii lagu xidhay, balse waraaqo ay ku qoran yihiin xanuuno kala duwani loola tago laamihii garsoorka oo lagu codsanayo siidaynta maxbuuskaasi, waxaanu intaas ku daray in ay arrintaasi ka cawdeen ciidamada boolisku,  waxaanu bulshada ku booriyay in ay ka waantoobaan arrimaha noocaas ah.

Waxaanu yidhi.“Marka la xidho maxbuuskii waalaga dabatagaya, Aids-bu qabbaa, wuu xuusaa, wuu duulayaaa, waxba lagu hadlaya, qolada boolisku waxay leeyihiin marka hawlgalo ee dhib u badheedhno, ee soo xidhno bulshadii ayaa kadaba tagaysa arrintii waraaqo ayaa la qoraya oo xaruntii boolis ee qofku ku xidhna la gaynayaa, detaana ninkii aanu halista u galnay ayaanu suuqa iskaga soo baxayna maalinta danbe oo anagii ayaaba siganaynaa.

Garsoorka markaad u tagto ee aad tidhaahdo maxaa lagu siidaayayna dee waraaqahaasi ayaa loo geeyay, oo wasiiradda, salaadiinta, madaxda cidda maamul haysa ee la tixgaliyo ayay iyaguna ka sii cabanaayaan, marka inagu qayb ayaynu ku leenahay dadka arrimaha xashiishada maandooriyaha, dhaca iyo boobka lagu qabto, haddii aan dawladda gacan laga siin oon lagu xejin halkay ku jiraan dee dhibta inta badan inaga leh, taasina waxay u baahan tahay in wacyigelin laga sameeyo, oo waxa xun la suuliyo, oo booliska lala shaqeeyo oo xukuumaddaha lala shaqeeyo maxkamaddaha lala shaqeeyo”

Xildhibaan Axmed Nuur Aw Cali Aadan, ayaa guddida cadaalada u soo jeediyay in ay dib uga laabato arrinka dib u eegista, kaas oo uu sheegay in go’aamadii maxkamaddaha dalku gaadheen uu meesha ka saarayo.

Waxaanu yidhi.“Adduunka meel dib u eegistu ka shaqaysa ma jirto, arrintaasina siyaado ayay ku tahay waddankeena, sababto ah wixii macquul ah ayaa la raaca, maxkamaddii degmada, gobolkii, maxkamaddiihii oo dhan waxay isku raaceen waxa burinaya lix nin oo dib u eegis ah, caalamka meelna kama shaqayso, arrintaasi garsoorkeena anniga oo aan dhalliilayn waa ku siyaado, horena uma jiri jirin, Somaliland ayay waxani ka bilaabantay, arrintaas iyada ah waxaan soo jeedinaya in guddida cadaaladdu dib u eegto, Somaliland dib hawga noqoto arrintaasi iyada ah”

 

Leave a Reply