Laba dal oo saameyn leh oo u midoobay Reer Galbeedka

0
265

Waddanka Ruushka ayaa noqday sida jasiirad oo kale kaddib markii ay go’doomiyeen dawlado badan oo caalamka ah, arrintaas oo xigtay duullaankii uu ku galay dalka Ukraine, xaaladdaas oo keentay in dalkan uu raadiyo sidii uu xulufo ula samaysan lahaa waddamada kale, kuwaas oo horay aanay isugu wanaagsanaan jirin; taas oo ay ka mid tahay xidhiidhkii adkaa ee kala dhaxayn jiray waddanka Iran.

Waxaa u dhaxeeyay dhowr arrin oo ay ugu horrayso arrinta taariikhda gashay ee ah in dad badan oo u dhashay Iran ay caddaalad-darro kala kulmeen Boqortooyadii Ruushka iyo Midowgii Sofiyeeti. Arrinta kale ayaa ah mid dhaqaalaha la xidhiidha, halka sidoo kale ay ku loollamaan dhanka tamarta.

Laakiin, waxa ay labada dalba cadowtinnimo kala dhaxaysaa Reer Galbeedka, taas oo ah midda inta badan isu soo dhoweysa.

Tan iyo markii uu billowday duullaanka uu Ruushku ku qaaday dalka Ukraine, madaxweynaha Ruushka, Vladamir Putin, waxa uu dibadda ku egay 5 socdaal, dhamaantoodna waxa uu ku tegay dalal horay uga tirsanaan jiray ama xidhiidh la lahaa Midowgii Soofiyeet, marka laga reebo safarkii uu ku tagay Tehran bishii July ee aynu ka soo gudubnay.

Arrinta xiisaha leh ayaa ahayd, intii uu Iran ku joogay booqashada, Putin uu ku soo jeediyay in xal diblomaasiyadeed oo sugan laga gaadho colaadda Suuriya, laguna saleeyo “mabaadii’da aasaasiga ah, iyada oo la ixtiraamayo madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed”.

Safarka Iran uu Putin ku tegay ayuu u isticmaalay si uu isugu dayo inuu ku muujiyo, in Ruushku uu weli leeyahay xulafo, walow la isku dayay in la go’doomiyo dalkiisa, sidoo kalena uu dowr muhiim ah ku leeyahay masraxa caalamiga ah.

Hase yeeshee, dhab ahaantii, waxay dad badan u arkeen inay caddayn dheeraad ah u tahay go’doominta siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed ee uu Ruushku wajahayo.

“Waxay muujinaysaa heerka Putin iyo Ruushka ay gaadheen, taas oo sii kordhinaysa go’doonka ay ku jiraan. Haatan waxaa qasab ku noqotay inay maciin-bidaan ​Iran,” ayuu yidhi John Kirby, afhayeenka Aqalka Cad ee Maraykanka.

Dhowaan ayay ahayd markii Ruushku uu kaalmo milateri ka helay waddanka Iran. Weerar maalintii Isniinta lagu qaaday caasimadda Ukraine ee Kyiv ayay ciidamada Ruushku ku adeegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Shahed-136 ee ay farsameyso Iran, kuwaas oo masaafo dhan 2,000km iskood u duuli kara.

In kasta oo Tehran ay si rasmi ah u beenisay inay qalabkan u dirtay Ruushka, haddana saraakiisha Maraykanku waxay sheegeen in shixnaddii ugu horreysay loo raray Ruushka bishii Agoosto.

Leave a Reply