Wariye Sayid: Hal-abuur Hiraal Fog oo ka Baxay Qaranka Somaliland

0
399

Sayid oo Aas Qaran lagu sagootiyay iyo hadaladii laga yidhi Shaqsiyaddii Marxuumka

Hargeysa(Dawan)-ALLE  ha u naxariistee ’waxaa shalay aas qaran lagu sagootiyay  Suxufigii Ruug-cadaaga ahaa ee Maxamed Cismaan Mire (Sayid) ayaa lagu aasay Xabaalaha Baqiic kadib markii uu ku geeriyooday habeen hore Cisbitaal ku yaalla Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya.

Aaska marxuumka waxa ka qaybgalay xubno kamida golaha Wasiirrada xukuumadda, masuuliyiin ka socday laamaha kala duwan ee dawladda, bahda warbaahinta dalka, madaxda asxaabta qaranka, Urur-siyaasaddeedyada cusub  iyo dadweyne tiro badan oo ka kooban qaybaha bulshada, sida culimo awdiinka, Ganacsato, siyaasiyiin, aqoonyahanno, ehellada, qaraabada iyo asxaabta marxuumka.

Marxuum Sayid oo xannuun muddo kooban hayey loogu qaaday dalka Itoobiya, balse ay halkaasi heddu ugu soo gashay, ayaa jinaasadiisa isla shalay la soo gaadhsiiyey Magaalada Hargeysa, waxaana geeridiisa tacsi ka diray madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane. Muuse Biixi Cabdi, Madaxweyne ku-xigeenka Mudane. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Mudane. Saleeban Yuusuf Cali Koore, wasiirrada iyo madaxda hay’addaha xukuumadda ee kala duwan, madaxda goleyaasha Baarlamanka, guddoomiyaha Maxkamadda sare,  hogaamiyeyaasha Xisbiyada Qaranka, Maayarka Caasimada Hargeysa iyo masuuliyiin kale.

Xubno kamida madaxda goleyaasha Qaranka, siyaasiyiin, inta badan hormuudka suxufiyiinta Somaliland iyo dad kale oo aqoon u lahaa marxuumka, ayaa si qoto dheer uga waramay taariikh nololleedkiisii, shakhsiyaddiisii gaarka ahayd iyo doorkii uu ku lahaa horumarinta Saxaafadda.

“Marxuum Sayid wuxuu ahaa shakhsi dabeecad wanaagsanaa, qalbi wanaagsanaa, hal-abuur u lahaa shaqada uu hayo, wuxuu ka soo shaqeeyey hay’addo kala duwan oo warbaahineed, horena wuxuu ula soo shaqeeyey Ciidanka Booliska Somaliland” ayuu yidhi Saxafi hore Siyaasi Mustafe  Cabdi Ciise(Mustafe shine) oo kamid ahaa dadkii ay soo wada shaqeeyeen.

Agaasimihii hore ee Wakaalada Wararka Somaliland ee SOLNA Cumar Maxamed Faarax  ayaa sheegay “Sayid waxaanu wada shaqaynaynay muddo todoba sannadood ah oo uu guddoomiye ka ahaa Wargeysyada Dawan,aniguna aan ku xigeenkiisa ahaa . Wuxuu ahaa qof hawl kar ah oo hal-abuur leh oo ay shaqaaluhu u siman yihiin oo aan calool ku hayn lahayn”ayuu yidhi

“Waxaanu wada shaqaynay soddonkii sano ee u dambeeyey wuxuu ahaa Geesi, wuxuu ahaa nin hal adag, wuxuu ahaa Nin dadka jilicsan u naxariista, wuxuu ahaa nin xaqa ku adag”sidaasina waxa yidhi Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo ay marxuumka wakhti dheer soo wada shaqaynayeen.

“wuxuu ahaa qof aad u qiimo badan, wuxuu ahaa nin soo saaray suxufiyiin badan oo maanta shaqeeya, wuxuu door weyn ka soo qaatay horumarinta hay’addaha saxaafadda, wuxuu ahaa hal-abuure wixii gacantiisa ku jiraa uu guulaysto”ayuu yidhi Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Cabdikariin Siciid Bustaale oo kamida dadka ay aqoonta dhow isu lahaayeen marxuum Sayid.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Siciid Habane oo kamid ahaa masuuliyiinta ka qaybgalay Aaska marxuumka, ayaa sheegay in qiimaha shakhsiga ah ee uu lahaa ka turjumayso sida looga muruggooday geeridiisa, waxaanu alle uga baryey inuu Samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo, qoyska, qaraabada, bahda saxaafadda iyo guud ahaan qaranka JSL ee uu ka baxay. Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Cabdiwali Suufi Jibriil ayaa isna tilmaamay inuu ahaa marxuumku qof saameyn ku lahaa qaranka, isla markaana la tebi doono doorkiisii.

Wasiirro, xildhibaano ka tirsan goleyaasha kala duwan ee Baarlamanka iyo deegaamada iyo suxufiyiin tiro badan ayaa sifooyin kala duwan ka bixiyey shakhsiyadii ALLE ha u naxariistee Maxamed Cismaan Mire (Sayid), waxaanay dhamaantood isku-raaceen inuu ahaa shakhsi dadnimo, dad-la-dhaqan iyo deeqsinimo caan ku ahaa, kuna adkaa xorriyadda iyo madaxbanaanida mihnada saxaafadda, iyagoo ka tacsiyadeeyey bahda warbaahinta, qoyskiisii iyo qaraabadiisii.

Ka soo qaybgaleyaasha Aaska ayaa sidoo kale, ka tacsiyadeyey geeridiisa umadda Somaliland oo dhan.

Marxuum Maxamed Cismaan Mire(Sayid) waxaa uu doorkiisa ka soo qaatay dhismaha ciidanka Booliska Somaliland waxaanu taliyeyaashii ugu horreeyay usoo noqday xoghaya gaarka ah ee Taliyaha booliska waxaanu la soo shaqeeyay Taliye Cabdi Dhibboo iyo Taliye Cilmo Kabaal.

Waxaa kale oo uu la soo shaqeeyay gudiga dabagalka xasuuqii ka dhacay Somaliland.

 

ALLE ha u naxariistee Maxamed Cismaan Mire Wuxuu ahaa Suxufi, Halgamaa iyo Oday kaalin weyn ku lahaa dhismaha iyo horumarka Saxaafadda Somaliland, illaa iminkana kaalintiisu muuqatay.

Geeridiisa waxaan ku tilmaami karnaa in xubin muhiim ah ay wayday Warbaahinta Dalku oo uu ALLE Oofsaday.

Qofna saacadiisa ma dhaafayo, waana dariiq lagu wada xukuman yahay godka iyo geeridu.
Waxa uu mihnada saxaafadda ku shaqaynayey illaa sagaashamaadkii, isagoo la soo shaqeeyey Warbaahin kala duwan.

Wargeysyadii  Jamhuuriya,Xorriyo iyo  Idaacadii Horyaal iyo hay’addo kale oo warbaahineed ayuu la soo shaqeeyey, ka hor intii aanu 2010 noqon Guddoomiyihii  Wargeysyada Dawladda ee Dawan oo uu guddoomiye ka ahaa ilaa 2017.

Kaddib markii uu xilkaasi ka tegay sanadkii 2017, wuxuu aasaasay Telefishanka Horyaal24 oo kamida warbaahinta madaxbanaan ee ugu samaeynta badan, isagoo soo saare barmaamuj iyo mulkile ka ahaa Telefishankaasi.

Waxa lagu xasuustaa inuu sanadihii u dambeeyey qaadi jiray waraysiyo kulul oo uu la yeeshay masuuliyiin iyo siyaasiyiin door ah.

 

Horaantii bishan ayaa waxa ku soo booday xanuun, kaddibna waxa dabiib caafimaad loogu qaaday dalka Itoobiya, gaar ahaan magaalada Addis Ababa, halkaasoo uu ku geeriyooday tobaad iyo badh markii xaaladiisa lagula tacaalayey.

 

Marxuumku waxa uu Ifka kaga tegay Xaas iyo todoba Carruur ah.

Inaa lilaahi wa inaa Ilayhi Raajucuun

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply