Guardiola oo Isbeddel ku Sameeyey Ciyaartoydii Man City u Laadi Jirtay Rigooreyaasha

0
261

Tabobaraha kooxda kubadda cagta Manchester City ee Pep Guardiola ayaa sheegay in uu isbeddel ku sameeyey ciyaartoydii rikoodheyaasha u laadi jirtay kooxdiisa, kaddib markii laba rikoodhe oo isku xiga oo Champions League ah uu khasaariyey Riyad Mahrez.

Xiddiga reer Algeria ayaa ciyaartii Borussia Dortmund ee habeen hore ee goolal la’aanta kusoo dhamaatay waxa uu khasaariyey rikoodhe uu ka qabtay goolhaye Gregor Kobel, iyadoo horena ciyaartii Copenhagen uu sidan oo kale  u lumiyey rikoodhe.

Mahrez maaha ciyaartoyga kaliya ee Manchester City ee rikoodheyaal khasaariyey lixdii sannadood ee uu Pep Guardiola joogay Etihad Stadium, hase yeeshee Phil Foden, Gabriel Jesus iyo Raheem Sterling ayaa iyaguna rikoodheyaal lumiyey, iyadoo labada weeraryahan ee dambe ee ka tegay kooxdu ay xilli ciyaareedkii hore khasaariyeen rikoodheyaashooda.

Sergio Aguerio, Ilkay Gundogan iyo Kevin De Bruyne ayaa iyaguna xilli ciyaareedkii 2020/21 waxay khasaariyeen rikoodheyaal, taasoo ka dhigan in 80-kii rikoodhe ee u dambeeyey ee Man City ay heshay ay iska khasaariyeen 25 ka mid ah.

Pep Guardiola oo saxaafadda la  hadlayay habeen hore ayaa sheegay, in Riyad Mahrez uu ka wareejinayo masuuliyadda laadista rikoodheyaasha, kaddib labada jeer ee uu lumiyey labada ciyaarood ee Champions League ee isku xiga, waxaanu yidhi: “Waxa aan la dhacsanahay dhiirranaanta iyo geesinimada wiilasha rikoodheyaasha qaata. Riyad Mahrez ayaa ahaa ciyaartoy heersare ku ah rikoodheyaasha labadii ama saddexdii sannadood ee tegay, waxa uu rikoodhe noo dhaliyey ciyaartii Dortmund ee sannadkii 2021 ee halkan ee 1-1 ahayd ee aanu ku tagnay semi-finalka.

“Laakiin muddooyinkan dambe rikoodheyaal ayuu khasaariyey, sidaa daraadeed, fasax ayuu ka geli doonaa (laadista rikoodheyaasha).”

Guardiola muu sheegin ciyaartoyga uu sida buuxda ugu dhiibayo laadista rikoodheyaasha hase yeeshee ciyaartii ugu dambaysay horyaalka Premier League waxa rikoodhaha tuurtay Erling Haaland iyadoo uu garoonka ku jiray Kevin De Bruyne, taasoo loo fahmayo in weeraryahanka reer Norway si buuxda loogu xil-saaray inuu rikoodhaha laagto.

Leave a Reply