Xiddig Reer Brazil ah oo Iska Diiday inuu u Ciyaaro Xulka Qaranka Talyaaniga

0
226

Xidhiidhka kubadda cagta Talyaaniga ayaa isku dayay inay u gacan-haadiyaan oo ay xulka qarankooda ku daraan xiddiga kooxda Barcelona ee Raphinha iyaga oo doonayay inay uga hormaraan Brazil oo ah waddankiisa, si la mid ah sidii ay ku sameeyeen Jorginho oo isaguna reer Brazil ah laakiin u ciyaara xulka Talyaaniga.

Raphinha oo waqti wanaagsan kusoo qaatay Leeds United ka hor intii aanu xagaagii tegin Barcelona oo uu si joogto ah weerarka ugala ciyaaro Robert Lewandowski iyo Ousmane Dembele ayaa la filayaa in uu qayb ka noqon doono xulka Brazil ee Koobka Adduunka.

Laacibkan oo xulka Brazil u saftay 11 ciyaarood oo uu u saftay u dhaliyey shan gool, ayaa waqtigii uu joogay Leeds United waxa uu xidhiidhka kubadda cagta Talyaanigu isku dayeen inay ku qanciyaan inuu xulkooda u ciyaaro, iyaga oo siiyey sawir ah in Brazil aanay fursad siinayn.

Raphinha oo sharcigu u ogol yahay inuu u ciyaaro xulka Talyaaniga sababtoo ah aabbihii oo kasoo jeeda dalkaas, ayaa waxa uu laacibkani doortay in uu raaco riyadiisa ah inuu ka mid noqdo xulka qaranka Brazil, maadaama uu aad u tageeri jiray Ronaldinho oo uu doonayo inuu raaco raadkiisii.

Go’aanka Raphinha waxa sii caawiyey markii uu Talyaanigu ka hadhay Koobka Adduunka, iyadoo saaxiibbadiisa reer Brazil ee xulka Talyaaniga u dheela ee Jorginho, Rafael Toloi iyo Emerson ay dhamaantood ka maqnaanayaan Koobka Adduunka, halka isaguna uu rajaynayo inuu isaguna rajaynayo inuu kusoo baxo liiska tababare Tite ee u safraya Qatar.

 

Leave a Reply