Waqtiga uu Zidane kusoo Laabanayo Tabobarenimada iyo Kooxda uu ka Degayo

0
238

Zinedine Zidane ayaa ugu dambayn kusoo laaban doona shaqada tababarenimada oo uu ka maqnaa tan iyo bishii May ee sannadkii hore oo ahayd markii uu iska casilay Real Madrid, balse nasasho dheer kaddib waxa uu hadda isku diyaarinayaa inuu kasoo muuqdo laynka garoonka isaga oo tababare ah.

Halyeyga reer France ayaa May 2021 si lama filaan ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay Real Madrid kaddib xilli ciyaareed koobab la’aan ahaa oo horyaalka ay kaga guuleysatay Atletico Madrid, labada koob ee kalena ay qaadday Barcelona, waxaana iscasilaaddiisa kaddib ay Madrid magacowday Carlo Ancelotti oo sannadkiisii u horreeyeyba u qaaday Champions League, LaLiga iyo Spanish Super Cup.

Thierry Henry ayaa dhowaan sheegay, in uu Zinedine Zidane la doonayo inuu tababare u noqdo xulka qaranka Faransiiska ee uu sannadkii 1998kii u dhaliyey goolashii ay ku qaadeen Koobka Adduunka, waxaana hadda arrintaas sii xoojiyey war la helay oo sheegaya in uu Zidane noqonayo tababaraha xulka France.

Sida ay qortay warbaahinta Libertad Digital, Zinedine Zidane ayaa waxa loo magacaabi doonaa tababaraha xulka qaranka Faransiiska laba bilood kaddib, xilligaas oo uu ka tegi doono Didier Deshcamps oo hore usii xaqiijiyey in kaddib Koobka Adduunka uu kursiga bannaynayo.

Didier Deschamps oo siddeed sannadood soo ahaa ayaa beddelay Laurent Blanc, waxaana uu u qaaday Koobka Adduunka sannadkii 2018, waxaanu isku dayayaa inuu difaacdo koobkan.

Muddadii Deschamps joogay, waxa uu sidoo kale keenay kaalinta saddexaad ee Euo 2016, sidoo kalena waxa uu ku hoggaamiyey UEFA Nations League sannadkii hore ee 2021.

Zinedine Zidane ayaa caynaanka usii qaban doona xulka qaranka France oo uu hore ugu qaaday Koobkii Adduunka 1998 iyo EUFA Euro 2000 xilligii uu ciyaartoyga ahaa, balse xasuusta xun ee u taalla ay tahay in finalkii Koobka Adduunka 2006 uu kaadh casaan ah qaatay markii uu hirdi madax ah shafka kaga dhuftay Marco Materazzi

Leave a Reply