Sadio Mane oo Sheegay inuu u Darsaday Kooxdiisii Hore ee Liverpool

0
210

Xiddiga reer Senegal ee Sadio Mane ayaa lagu soo warramayaa in uu u darsaday kooxdiisii hore ee Liverpool ee  uu ka tegay xagaagii oo uu uga wareegay Bayern Munich oo lacago badana oo mushahar ah kaga jiidatay Anfield.

30 jirkan oo muddo lix sannadood ah u ciyaaray Liverpool ayaa go’aansaday in aanu heshiiskiisa oo sannad ka hadhsanaa cusboonaysiinin, waxaanu ku riixay kooxda inay iibiyaan, sidaas ayaanu kusoo afjaray waayihiisii Anfield oo 120 gool uu u dhaaliyey, sidoo kalena uu kula guuleystay Premier League, Champions League, FA Cup, Carabao Cup iyo FIFA Club World Cup.

Nolosha waddanka Jarmalka oo uu dib ugu laabtay isaga oo hore ugu soo dheelay qaar ka  mid ah kooxaha dalkaas ayaanu si fiican ula jaan-qaadin, waxaana sidoo kale aanu si degdeg ah u saldhigin Bayern Munich inkasta oo uu u dhaliyey 11 gool oo dhamaan tartamada ah.

Halyeygii Liverpool ee Dietmar Hamann ayaa hore u sheegay, in Sadio Mane aanu wali dhex gelin ciyaartoyda Bayern Munich oo aanu waliba ku faraxsanayn, sidaas darteedna uu u muuqdo mid  ka xun inuu kaa tegayo kooxdiisii hore ee Liverpool.

Wargeyska Football Insider ayaa isaguna maanta daabacay in Sadio Mane uu u sheegay qof ay saaxiib yihiin, in uu u darsaday kooxdiisii hore ee Liverpool oo iyaduna dhinaceeda u dhibaatoonaysa isla markaana ku jirta xaaladdeedii ugu xumayd intii uu tababare Jurgen Klopp joogay.

Leave a Reply