Sepp Blatter oo Dhalleeceeyey Dalka Martigelinaya Koobka Adduunka ee Qatar

0
294

Madaxweynihii hore ee xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA ee Sepp Blatter ayaa sheegay, in go’aan qaldan ay qaateen markii ay sannadkii 2010 u doorteen Qatar in uu mnartgeliyo koobka adduunka ee sannadkan ee bilaabmi doona dhamaadka toddobaadka dambe.

Go’aanka Qatar loogu doortay martigelinta Koobka Adduunka ayay doodo badan ka dhasheen, waxaanay keentay in la xidh-xidho xubno sarsare oo ka tirsan FIFA, kuwo kalena shaqadooda aay waayaan.

Sepp Blatter oo muddo 17 sannadood ah ahaa Madaxweynaha FIFA ayaa qayb ka noqday musuqmaasuqa waxanaa lagu eedeeyey in isaga iyo saraakiil sarsare ay lacago laaluush ah ka qaateen Qatar, halka sidoo kalena isaga loo xidhay, maxkamadna loosoo taagay lacago uu siiyey Michel Platini.

Bishii June ayaa Sepp Blatter ay maxkamaddu sheegtay in lagu waayay wax dembi ah, waxaana isaga oo hadda kiiskaasi ka hadhay uu waraysi siiyey wargeyska kasoo baxa dalkiisa Switzerland ee Tages Anzeiger, waxaanu ku sheegay inay qalad ahayd in Qatar lasiiyo martigelinta Koobka Adduunka.

“Waa waddan aad u yar, kubadda cagta iyo Koobka adduunkuna aad ayay uga ballaadhan yihiin.” Ayuu yidhi Sepp Blatter.

Waxa kale oo uu soo qaatay tacaddiyada ka dhanka ah shaqaalaha dhisaya garoomada iyo dadka kale ee muhaajiriinta ah ee ku sugan Qatar oo la sheegay in si aan habboonayn loola dhaqmo, isla markaana aan la siinin xuquuqihii aas-aasiga ahaa sida hoy fiican, mushahar wanaagsan, taas oo keentay in kuwo badan ay u dhintaan daranhyo.

Leave a Reply