Erik ten Hag oo Go’aan Kama Dambays ah ka Gaadhay Cristiano Ronaldo

0
247

Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Erik ten Hag ayaa go’aan kama dambays ah ka gaadhay Cristiano Ronaldo oo waraysi uu bixiyey ku sheegay in aanu wax ixtiraam ah u haynin. Erik ten Hag ayaa go’aan kama dambays ah oo uu ka gaadhay Cristiano Ronaldo waxa uu la wadaagay maamulka sare ee Manchester United oo uu u sheegay in aanu mar dambe ciyaarsiin doonin xiddiga reer Portugal.

Erik ten Hag ayaa go’aankan oo uu la wadaagay maamulka kooxda, waxa uu ku sheegay in aanu mar dambe laacibkani kooxdiisa ka soo dhex muuqan doonin, maadaama uu saxaafadda horteeda ka qirtay in aanu ixtiraamayn.

Kulan uu Erik ten Hag shalay la qaatay Joel Glazer, Richard Arnold iyo John Murtough ayuu ku sheegay in aanu mar dambe 37 jirkan reer Portugal kooxdiisa ka amid noqon doonin maadaama uu meesha ka baxay ixtiraamkii wada-shaqayntu, sidoo kalena uu qolka  labbiska ka abuurayo qas iyo dhibaato.

Go’aanka Erik ten Hag oo ka  dhigan in Ronaldo uu dibedda ka ahaan doono Manchester United inta ka a hadhay qandaraaskiisa oo ku eg dhamaadka xilli ciyaareedka, ayaa waxay warar kale sheegayaan in Manchester United ay ka fiirsanayso inay gebi ahaanba burburiso heshiiskiisa marka laga soo laabto Koobka Adduunka.

War-saxaafadeed ay Manchester United soo saartay Isniintii ayay ku sheegtay in go’aankeeda kama dambaysta ah ay la sugayso baahinta waraysiga dhamayska tiran oo la filayo in toddobaadkan la daawado, kaas oo sidoo kale uu Ronaldo ku eedeeyey kooxda inay khiyaamaysay.

Leave a Reply