Koox Amaah 28 Maalmood ah ku Doonaysa Erling Haaland Inta Koobka Adduunka lagu Maqan Yahay

0
213

Waxa kooxaha looga kala ambabaxay kubadda cagta heer caalami iyadoo badi kooxaha waaweyn ciyaartoydoodu isku diyaarinayaan ka qayb galka koobka aduunka.

Si ka duwan, weeraryahanka Man City ahna xiddiga ilaa haatan ugu fiican Premier League ee Erling Haaland ayaan qayb ka ahayn loolankaas maadaama xulkiisa Norway hore u hadhay.

22 sano jirkaas ayay City 51 Milyan oo pound kusoo jabisay heshiiskii uu Borussia Dortmund kula joogay isaga oo ilaa haatan 23 gool kusoo dhaliyay 18 kulan tartamada oo dhan.

Iyadoo ay sidaasi jirto ayay si lama filaan ah kooxda heerka toddobaad ee England ee Ashton United baraha bulshada ku shaacisay inay heshiis amaah 28 maalmood ah ku doonayso Haaland.

Kooxda lagu naanayso The Robins ayaa warbixinteeda ku bilawday “Ashton United waxay xaqiijin kartaa in kooxdu amaah 28 maalmood ah ku dalbatay weeraryahanka Man City ee Erling Haaland”.

“Iyadoo kooxda haatan haysata Premier League aysan ciyaarayn ilaa dabayaaqada December sababtoo ah koobka aduunka 2022, The Robins waxay la xidhiidheen kooxda jaarkayaga ee Etihad si aanu uga caawimo taam ahaanshaha jidheed ee Haaland maadaama uusan Qatar ka qayb qaadanayn”.

Leave a Reply