Messi oo Magacaabay Saddex Xul oo Halis ku ah Xulkiisa Koobka Adduunka

0
207

Kabtanka xulka qaranka Argentina ee Lionel Messi ayaa shaaca ka qaaday xulalka ugu cad cad ee ku guulaysta koobka aduunka 2022 ee ka dhacaya dalka Qatar isla markaas halista ku ah xulkiisa.
Lionel Messi ayaa taageero weyn ka haysta taageerayaasha adduunka si uu xulkiisa ugu hogaamiyo ku guulaysiga koobka adduunka maadama uu ciyaarayo koobkiisii ugu dambeeyay ee adduunka.
Lionel Messi ayaa si gaar ah u amaanay 3 xul markii la waydiiyay xulalka ugu cad-cad ku guulaysiga koobka adduunka waana xulalka Brazil, France iyo Spain.
Messi oo la hadlaya Mundo Deportivo ayaa yidhi “Xulka Frane waa mid laga cabsanayo sababta oo ah xiddigaha ay haystaan iyo tababarohooda, sidoo kale xulka Brazil waxa ay haystaan xiddigo fiican io uu hogaaminayo Neymar”.
Inkasta oo Messi aanu Spain ku darin liiska musharixiinta, haddana aad ayuu u amaanay, wuxuuna hadalkiisa raaciyay: “Waa xul aad u da’yar laakiin sida loo ciyaaro yaqaana, waxaanay kugu qasbayaan in aad kubada daba orodo waxan ay u ciyaaraan qaab isku mid ah kulan kasta, inkasta oo ay xiddigo da’yar ah yihiin hadana waxa ay haystaan fikrado cad”.
Isaga oo ka hadlaya dalkiisa Argentine ayaa yidhi”Waxaan heysanaa ciyaartoy aad u wanaagsan. Waxaan ka mid ahayn tartan dhawaan dhamaaday (Copa America) waxa aan haatan ka fikiraynaa in aan ku guulaysano kulanka 1-aad”.

Leave a Reply