Xulalka Tirada ugu Badan ku Guuleystay Koobka Adduunka

0
486

Wadamadani waxay taariikh u leeyihiin inay soo saaraan  ciyaartoy tayo heer caalami ah leh sanad walba. Sidaa darteed, had iyo jeer waxay ku jiraan loolanka marka Koobka Adduunka la qabto 4-tii sanoba hal mar.

Iyada oo la qabanayo koobka adduunka markii 21-aad ee taariikhda waxa jira kaliya siddeed waddan oo ka mid ah 211-ka xubnood ee FIFA kuwaas oo ku guulaystay koobka adduunka iyada oo 6 ka mid ah xulalkaas dhawr mar ku guulaysteen koobka.

Xulalka Spain iyo England ayaa ah wadamada kaliya ee hal kaliya ku guulaysta koobka aduunka iyada oo ay jiraan 3 wadan oo ciyaaray Final-ka koobka adduunka In ka badan Spain iyo England kuwaas oo kala Nederland, Czech Republic iyo Hungary laakiin dhamaantood aan ku guulaysan koobka.

Shaki la’aan waxa jira xulal ay ka soo bexeen qaar ka mid ah xiddigaha ugu fiican kubada cagta kuwaas oo ay ka mid yihiin Pele, Diego Maradona, Gerd Muller iyo qaar kale oo badan kuwaas oo door weyn ka qaatay in ay xulalkoodu ku guulaystaan koobka adduunka.

Xulka Brazil ayaa ah xulka tirada ugu badan ku guulaystay koobka adduunka iyaga oo ku guulaystay 5 jeer 2 kalena galay kaalinta 2-aad maadama Final-ka looga qaaday koobka adduunka.

Waxa ku xiga xulalka Germany iyo Italy oo min 4 jeer ku guulaystay laakiin Germany ayaa 4 jeer oo kale galay Kalainta 2-aad halka Italy 2 jeer galay kaalinta 2-aad.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Xulalka tirada ugu badan ku guulaystay koobka adduunka.

Dalka Tirada Guulaha Kaalinta 2-aad Sanadaha ay ku guulaysteen
Brazil 5 2 1958, 1962, 1970, 1994, 2002
Germany 4 4 1954, 1974, 1990, 2014
Italy 4 2 1934, 1938, 1982, 2006
Argentina 2 3 1978. 1986
France 2 1 1998, 2018
Uruguay 2 0 1930, 1950
England 1 0 1966
Spain 1 0 2010

 

Leave a Reply