Taariikhda Caafimaadka Iyo Dawayntii Qadiimka!

0
236

Taariikhda jiritaanka aadamiga ayay ku ladhan tahay taariikhda xanuunada dhimirka ama waalida, waxay ahayeen xanuunka dhimirku mid xidhiidh fog leh, sida Quraankuba cadeeyay oo iyagoo umadihii loo soo diray Rususha Allaha (cs) ay gaaladii waayadaasi ku odhan jireen wuu waalan yahay, taasi oo cadaynaysa taariikhada fog ee xanuunka waalida inay dadku ogaadeen wakhti  aad u fog.

Culmida cilmi nafsiga iyo dareen wadayaasha ayaan ilaa hadda eray bixin rasmi ah u hayn xanuunka dhimirka (waalida) iyo waxa sabab, iyo caalamadah qofka la odhan karo wuu waalan yahay.

Dr.Thomas Sas oo ah Dhakhtar maskaxada takhsus u leh  isla markaana macalin ka jaamacadda Serkyus ee Newyork ayaa yidhi :”   Aadamiga ayaa taariikh ku leh qaabka uu ula tacaalayo waalida. Waxaana jirtay wakhti ay bulshooyinku u haysteen qofka waalan in ciqaab Allah (sw) ku dhacay”

Sidaas darteed waxay noqotay arrin ama xanuun ay ka faa’iidaystaan dad aan aqoon u lahayn kuwaasi oo  sheega inay galeen ama uu derderay Shaydaan. Wakhtiyadaasi waxa la isticmaali jiray goobo gaar ah oo loo geeyo dadka in caafimaad looga raadiyo, iyo weliba iyagoo irbado madax kaga mudaan iyagoo sheegaya inay ka saarayaan Jiman ama Shayaadiin .

Waxa kale oo ay ku xidhi jireen silsilado wakhti dheer iyagoo mararka qaarkood ku ciqaabi jiray karbaash joogto ah. Wakhtiyada qaarkoodna kursi ayay ku fadhiisin jireen wakhti aad dheer. Runtii waxay ahayd qof xanuunsanaya oo haddana la ciqaabayo. Arrimahaasi waxa keenay aqoondarada wakhtigaasi  jirtay iyo cilmiga oo aan horumar weyn samayn.

 

Leave a Reply