Nin Shaqadiisu Tahay Ashkatada Dadka!

0
497

Ninka lagu magacaabo Jonathan Lee Riches  ayaa lagu daray buugga Giiniyaska ee dunida ee lagu qoro arrimaha yaabka leh. Ninkan ayaa noqday ninka dunida ugu badan ee dacwad iyo ashakato maxkamadaha u gudbiya,  kuwaasi oo uu ku helay qaarkood magdhow.  Waxaana la sheegay inay isugu jiraan kuwo caadi ah iyo kuwo qosol leh.

Lee Riches waxa uu markii u horaysay dacwad ka gudbiyay hooyadii isagoo sheegay inay dayacday korintiisa markii uu yaraa , isla markaana aanu daryeel ka helin. Maxkamadda markii ay kiiskaasi baadhay waxay hooyada ku xukuntayinay siiso lacag dhan $ 20 ku doller.

Waxa kale oo uu dacwado culus ka gudbiyaa saaxiibadiisa kuwaasi oo iyagan uu qaarkood ka helay magdhow.   Dadka jaarka la ah, macalimiinta iyo eheladiisa dhamaantood waa uu ka gudbiyay dacwado kala duwan.

Madaxda maamulada iyo shirkadaha iyagana waa uu ka gudbiyay , shirkadda GTA ayaa dacwad ka gudbiyay isagoo sheegay inay nnaxdin ku abuurtay.

Dacwadaha iyo ashakatooyinkaasi waxa uu ka helay lacag dhan $ 850 kun doller oo ah magdhow laga siinaayo kiiskaasi.

Lee waxa dacwad ka gudbiyay  Janal waraysi la yeeshay oo uu sheegay inuu dareenkiisa ka maadsanayay isla markaana uu hoos u dhigay sharaftiisa. Waxaana uu ka helay madhow dhan $ 50 kun .   (abcnews.go.com)

 

Leave a Reply