Hargeysa (Dawan):-Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ansixiyay Xisaab xidhka Misaaniyad Sannadeedka 2021 oo hantidhawraha guud ee qaranka usoo gudbiyay Golaha Baarlamaanka.
Fadhigii Golaha Wakiilada Somaliland ee shalay oo uu shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ay ka soo xaadireen Xildhibaan 47 Xildhibaan ayaa Mudanayaasha Golaha Wakiilada ku ansixiyeen Xisaabxidhka Misaaniyad Sannadeedka 2021,
Waaxana ogolaaday ansixinta Xisaabxidhka Miisaaniyad Sannadeedka 2021 39 Xildhibaan waxaana diiday hal Xildhibaan waxaana ka aamusay 7 Xildhibaan guddoomiyuhuna muu codayn sidaas ayuuna ku ansaxay.
Sidoo kale Guddoomiye ku Xigeenka gudida Ilaalinta iyo dabogalka hantida Qaranka ee Golaha Wakiilada Axmed Cabdi Ibraahim Axmed Timojilic ayaa Golaha Baarlamaanka ka hor akhriyay warbixin ay ka soo diyaariyeen Xisaabxidhka Miisaaniyad Sannadeedka 2021 iyo talooyin ay soo raaciyeen.