Dr Gaboose iyo Eng Faysal oo Hadal ku kala Kasbaday Quluubta Bulshada Somaliland

0
525

In doorasho ururo toos ah dalka ka dhacdo iyo in dalku burburo  way siman yihiin.” Eng Faysal Cali Waraabe

“Hadaan kursi waayo, aniga maskaxdayda marnaba soo mari mayso Somaliland ha dunto.” Dr Maxamed Cabdi Gaboose

Qore: Maxamuud Walaaleeye

Hargeysa-(Dawan):-Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka Barwaaqo Dr Maxamed Cabdi Gabboose ayaa kala istaagay laba mawqif oo midna qarannimada Somaliland lid ku yahay midna u tanaasulayi sii jiritaanka qaranka.

 

Guddoomiyaha UCID Eng Faysal Cali Waraabe,ayaa sheegay in dhankiisa ay iusgu mid tahay in ay Somalilad dunto oo qarannimadu burburto iyo in la galo doorashada ururada,taas oo ka dhigan in Guddoomiyaha UCID mawqifkiisu yahay ama la I dooray ama Somaliland ha dunto.

Halka guddoomiiyaha urur Siyaasadeedka Barwaaqo Dr Maxamed Cabdi Gabboose uuu sheegay in uu u taaganyahay tartan uu cod dadweyne ku doonayo oo keliya balse aanu marnaba ku talinayn in qaranku dumo xataa haddii la dooran waayo.

Labada Siyaasi ee Dr Maxamed Cabdi Gaboose iyo  Eng Faysal Cali Waraabe hadallada ka soo kala yeedhay ayaa noqday laba hadal oo markiiba si dareen leh bulshadu ugu kala qiimaysay qofka Somaliland lexejeclo kaga jirto iyo ka Somaliland jiritaankeeda uu kaga wayn yahay damiciisa siyaasiga ah.

 

Hadalo labada siyaasi Dr Gaboose & Eng Faysal dhowaan kala jeedinayeen ayaa si weyn u kala bayaamisay lexejeclada ay u kala hayaan Qaranimada Somaliland isla markaana ku kala kasbadeen quluubta bulshada.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo hadal jeediyey ayaa sheegay  haddii doorasho ururo dalka ka dhacdo inuu dalku burburayo, waxaanu yidhi,

“In doorasho ururo toos ah dalka ka dhacdo iyo in dalku burburo  way siman yihiin.”

Dhinaca kale Guddoomiyaha Ururka Barwaaqo Dr Maxamed Cabdi Gaboose oo hadal jeediyey ayaa sheegay inuu jiritaanka dalka uga wayn yahay in uu ku guulaysto doorashada ururada oo uu xisbi qaran u soo boxo.

waxaanu yidhi,

“Haddaan kursi waayo, aniga maskaxdayda marnaba soo mari mayso Somaliland ha dunto.”

Dr Gaboose ayaa sheegay in jiritaanka Jamhuuriyada Somaliland ka qiimo badan yahay kursiga uu doonayo.

Ra’yu caamka bulshada Somaliland ayaa hadalada ka soo kala baxay labada guddoomiye mid kastaba gaarkiisa u guntaday isla markaana kala calaamadiyay ninka Somaliland qarannimadeeda aaminsan iyo  ninka kursi ku joogga ah.

 

 

Leave a Reply