Sirdoonka Iyo Shaqooyinka Halista Ah!

0
285

Sanadadii dagaalkii qaboobaa lagu jiray, Mareykanku waxay aad ugu dadaleen  in ay wax badan ka ogaadaan Maraakiibta badda quusta iyo Tiknoolajiyadda ICBM ee Ruushka. Waxaana u suurtagashay inay ogaadaan inuu jiro aalad hoose oo isgaadhsiineed oo ku rakiban Badda Okhotsk oo Ruushku ku samaystay.

Wakhtigaasi waxay keeneen farsamo casri ah oo ay xidhiidh badda hoose ah la sameeyaan aaladaasi si ay ugu basaasaan isgaadhsiinta Ruushka.  Sanado badan ayay arinkaasi adeegsadeen taasi oo Ruushka aad uga yaabisay siraha culus ee haddana sida fudud Maraykanku ku helo.

Ruushka ayaa markii danbe culays saaray sidii uu hawlwadeenada CIA-da Maraykanka uga heli lahaa shakhsiyaad warbixino ka siiya arinkaasi. Sannadkii 1985, sarkaal ka tirsan sirdoonka Maraykanka oo lagu magcaabo Richard Pelton, ayaa si qarsoodi ah uga iibiyay sirtii Kabaylkaasi hoose ee Maraykanku isticmaalo Ruushka. Waxaana uu u gudbiyay safiirka Austeria u fadhiyay Ruushka Lacagta uu ka siiyay ayaa dhamayd $ 37,000.  , laakiin markii dambe ayaa la ogaaday oo la  xidhay Richard Pelton.  Waxaana uu dhintay bishii Septmebr ee sanadkan 2022.

Leave a Reply