Xukuumadda Somaliland oo Dalka ka Saartay 134 qof oo u Dhashay Soomaaliya

0
318

Hargeysa (Dawan) Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka ayaa shalay dalka ka ambabixisay 134 qof oo ka soo laabtay wadanka Yemen, isla markaana u dhashay dalka Soomaaliya.

Dadkaas ayaa si iskooda uga soo noqday waddanka  Yemen iyagoo laba cisho ka  ay doontii sidday ku dejisay dekedda magaalada Berbera, waxaanay dawladda Somaliland u fududaysay inay dalkoodii dib loogu celiso halka 15 qof oo u dhashay dalka Jamhuuriyada Somaliland dibu- dejin loo sameeyey.

Agaasimaha waaxda soo noqdeyaasha Rooble Ibraahim Axmed, ayaa ka waramay dedaalka ay ka galeen si dadkaas u dhashay Soomaaliya ay dalkoodiii dib ugu celinlahaayeen.

Waxaanu yidhi.“Dadkani waxa ay ka soo degeen magaalada Berbera, maantana(shalay) waxa aanu u dirayna dalkoodii hooyo ee Soomaaliya.

Hay’adda Qaxoontiga iyo barakacayaasha Qaranku iyada oo gudanaysa waajibaadkeeda ay Qaranka u hayso waxa aanu intaa ka shaqaynaynay soo dejintoodii, daryeelkoodii iyo waliba imika  oo aanu dalka ka saarayno una dirayno dalkoodii hooyo ee Soomaaliya.”

 

 

Leave a Reply