Wasaaradda Maaliyadda oo kulan la Yeelatay Hay’adaha Ammaanka

0
203

Hargeysa-(Dawan:-Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ayaa bilowday ololaha cashuur ururinta iyadoo kaashanaysa ciidamada Ilaalinta Cashuuraha & ciidanka nabadgelyada waddooyinka.

Kulan ay yeesheen Masuuliyiinta Cashuuraha-Berriga, Taliyeyaasha Ciidanka Ilaalada Cashuuraha iyo Nabadgalyada Waddooyinka oo ku aadan ololaha Cashuuraha ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda  ayaa   la xidhiidhay sidii dadweynaha ay ku baaqdeen cashuuraha macaashal-macaashka ganacsiga, kirada guryaha, cashuuraha dakhliga shaqaalaha, cashuuraha iibka GST-ga, cashuuraha waddo-marista gaadiidka iyo cashuuraha kale looga qaadi lahaa.

Agaasimaha Waaxda Cashuuraha Berriga Maxamed Ibraahim Batuun oo hadal ka jeediyey kulanka ayaa sheegay in dhammaadka miisaaniyad sannadeedka 2022 awgeed ay Wasaaradda Maaliyadu bilowday olole cashuur-ururin socon doonta illaa dhamaadka sannadka.

Agaasimaha Cashuuraha Berriga ayaa sheegay in ololaha lagu beegsan doono qof kasta oo cashuuri ku baaqatay, sida shuruucda dalku dhigayaan.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka ilaalinta Cashuuraha iyo Taliyaha Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay inay sharciga horkeeni doonaan qof kasta oo cashuur ku baaqatay.

 

 

Leave a Reply