Wasiirka Arrimaha Dibedda oo Dhambaal u Diray Boqorka Imaaraadka Carabta

0
398

Hargeysa-(Dawan):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ah Dr Ciise Keyd Maxamuud ayaa ku hambalyeeyey Boqorka dalka Imaaraadka Carabta horumarka uu gaadhsiiyey bulshadiisa tan iyo markii ay xornimada qaateen.

Dr Ciise oo shalay farriin ku baahiyey bartiisa Twitter ayuu hambalyo ugu diray shacabka iyo madaxda dalka Imaaraadka Carabta munaasibada 51 guurada maalinta xornimada dalkooda. Waxaanu yidhi,

“Waxaan u hambalyaynaynaa hoggaanka iyo shacabka Imaaraadka Carabta dabbaaldegga 51-aad ee Maalinta Qarannimada.

Dr Ciise ayaa dhambaalkiisa raaciyey “Waxa aad haysaa wax badan oo aad u dabbaaldegto, 51 sano gudahood waxaad ummaddaada u beddeshay xarun dhaqaale iyo dalxiis, adiga oo illaalinaya qiyamka iyo dhaqanka ee markii hore mideeyey dalkiina weyn.”

 

 

Leave a Reply