Xarun Nooceedu Dalka ku Cusubyahay oo Hargeysa laga Furay

0
228

Hargeysa-(Dawan):- Xaraun nooceedu ku cusub yahay dalka ayaa laga furay caasimadda Somaliland ee Hargeysa,xaruntaas oo loogu talo galay in lagu xannaaneeyo ubadka hooyooyinkood ay sahqeeyaan ama waxbartaan xilliga ay shaqada ama waxbarasahda kaga maqan yihiin looguna sii hayn doono.

 

Laba  gabdhood ayaa magaalada Hargeysa ka hirgeliyay bishii Abriil ee sanadkan xarun loogu tala galay in lagu hayo carruurta yar yar inta ay hooyooyinkood ku maqan yihiin waxbarashada iyo shaqooyinka.

Saynab Ciise iyo Sahra Cabdullaahi Aadan oo ah aas aaseyaasha xarunta Zair ee xannaaneynta Carruurta ayaa sheegay in ay ugu talo galeen carruurta ku jira xilliga aanay ka tagi kerin waalidkood, sidoo kalena aan gaadhin da’da iskuullada ay ku galaan carruurtu.

Saynab ayaa Radio Ergo u sheegtay in ay hirgeliyeen goobtan markii ay arkeen dhibaatooyinka heysta waalidiinta,   oo qaarkood iskaga hadhay shaqooyinkii iyo waxbarashaddii.

Waxa ay tilmaantay in ay dedaal badan ku bixiyeen sidii loo heli lahaa macalimiin khibrad fiican u leh waxbaridda iyo korinta carruurta si aanay welwel u dareemin waalidiintu inta ay maqan yihiin.

Waxaaney tidhi.“Sababta aan ufuray goobtan waa in aan arkay haween markay guursadeen ka hadhay waxbarashada iyo shaqada.

Waxaan arkay gabdho inta ay ka maqan yihiin caruurtooda la sii dilo ama la gubo aad baan uga calool xumaadey.

Taas ayaa igu sababtay in aan markii aan waxbarashada dhameeyay aniga iyo saxiibadey aan isku darsano wixii aan dhaqaale haysanay oo aan ku furnay goobtan ubadka lagu haynayo.’’

Waxa ay xustay caqabadaha ugu weyn ee haysta in ay ka mid yihiin waalidiinta qaarkood oo aan wali ku baraarugsaneyn shaqada ay hayaan

28 Carruur ah ayay qabteen muddo shan bilood ah oo ay u  furan yihiin, waxa ay sheegtay in waalidiinta ay aad ugu faraxsan yihiin daryeelka ay helayaan carruurtoodu.

Farxiyo Xasan Ibraahim ah oo ah hooyada Afar Carruur ah ayaa sheegtay in ay dib ugu laabatay waxbarashadeedii bishii May ee sanadkan, markii ay heshay xarun loogu hayo Carruurteeda inta ay ku maqan tahay waxbarashada.

Haweeynadaas ayaa tilmaamtay in jaamacadda ay kaga hadhay Semistarka saddexaad bishii Juun ee sanadkii 2019-kii, markii ay Hargeysa ka weyday xarun lagu daryeelo carruurta.

Farxiyo ayaa xustay in Carruurta iyo iyadaba hadda ay heleen fursado ay si wadajir ah wax ugu baran karaan, islamarkaana markii ay ka timaado jaamacadda ay hore uga soo qaado xannaanada.

Waxa ay Raadiyow Ergo u sheegtay in sidoo kale haween badan oo Carruur heysta oo iyada la mid ah ay heleen fursad ay wax ku bartaan ama ay kusii wataan ganacsiyadooda markii ay heleen goob loogu heyn karo carruurta.

Waxaaney tidhi.“Markii hore wel wel badan ayaa iga heyn jiray in aan ka tago ilmo afar sano ka yar laakiin hadda waxaan awoodaa in aan waxbarashadeydii sii wato, ama in aan shaqeysto.

Waxaa aan helaya meel aan geysto ilmahayga oo ammaan ah, inta aan ka maqanahay awel culeys badan ayaan dareemi jiray , mararka qaar waxaa aan kici jiray xilli hore si aan u diro dhib ayay igu ahayd.

Xarunta Zaira ee xannaaneynta Carruurta ayaa waxaa shaqo abuur ka helay lix qof oo haween ah, kuwaasoo markii hore aan hayn wax shaqo ah, haweenkaas ayaa isugu jira kuwo bareyaal ah iyo qaar madadaaliya carruurta.

Caruurta dhigata xaruntaas ayaa bishii waxaa laga qaadaa lacag u dhexeysa Todobaantan doollar illaa Kontan doollar oo loogu tala galay waxbarashada iyo qadadooda maalinkii.

Sacdiyo Maxamed oo ka mid ah bareyaasha xaruntaas ayaa sheegtay in todobaadkii ay shaqeyso lix maalmood, islamarkaana carruurta xarunta la keeno ay siiyaan casharo iyo madadaalo aanay ku tabeyn waalidkood ay inta ay ka maqan yihiin.

Waxa ay xustay in ay waligeed jecleyd waxbaridda carruurta yar yar, islamarkaana shaqaddan ay tahay mid ay u heyso awood dheeraad iyo xamaasad inta ay ku guda jirto, waxa ay heshaa mushahar ay ku maareyso nolosha qoyskeeda.

Waxaaney tidhi.“Waan la ciyaarnaa subaxdii markaan imaado, farxad ayaan ka helnaa markii aan la joogno markii ay sii tagayaana waan sii macsaameynaa.

Runtii carruurtan waxay noqdeen qaybo ka mid ah noloshayada waxaan aad ugu farxaa markii aan arko carruurtii aan halkan ku tababarnay iyo tacabkii iyo Midhihii aan galinay oo kasoo baxay.”

Tirada Carruurta ku jirta xarunta ayaa da,doodu waxay u dhexeysaa afar bilood illaa lix sano, waxa ay ka helaan halkan adeegyo dhameystiran oo isugu jira waxbarasho, nasasho Madadaallo iyo maaddooyinka aas aasiga ah ee iskuullada iyo dugsiyada Qur,aanka lagu qaato.

Waalidiinta ugu badan ee xannaanada geystay Carruurta ayaan aheyn kuwo dalka joogay   ee muddada dheer kunoolaa magaalada Hargeysa balse tirada ugu badan waa dadka kasoo laabtay dalka dibediisa ee shaqooyinka ka haya Somaliland.

Faadumo Maxamed Xasan oo kasoo laabatay dalka dibeddiisa waxa ay ganacsi ku leedahay magaalada Hargeysa.

Waxa ay sheegtay in ganacsigeeda uu qarka u saarnaa in uu xidhmo sababo la xadhiidha Carruurta oo ay guriga kaga tagi jirtay.

Waxa ay sheegtay tan iyo markii xaruntaan ay geystay Saddex carruur ah oo ay dhashay in ganacsigeeda uu ku socdo si wanaagsan sidoo kalena Carruurteeda ay helaan daryeel iyo waxbarasho inta ay ka maqan tahay.

Waxaaney tidhi.“Waddankan waan jeclaaday waan usoo guuray, waayo wax walba oo aan Yurub ka heli jirey hadda dalkayga ayaan ka helaya.

Awal ilmaha waa laga welweli jirey tacab baa gali jirey nusasacaha wuu soo doonaan jirey hadda waxaas oo dhan ayuu wata maskax ahaan ayuu u dhismaya wax walba oo uu ku ciyaari karo ayaa la siinaya oo uu ka helaya meeshani waa meel fiicaan.’’

 

Leave a Reply