Xildhibaan Xukuumadda ku Bogaadiyay Waxqabad ay ka Hirgelisay Degmada Widhwidh

0
339

Widhwid-(Dawan):-Xildhibaan Cabdixakiim Cumar Faarax Budeeye oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland   ayaa ku ammaanay Xukuumadda Somaliland Riigbiyood laga hirgalinayo Degmada  Widhwidh oo ka tirsan Gobolka Buuhoodle.

Cabdixakiim Cumar Faarax Budeeye ayaa  sheegay  cididi wax gashatay Degmada Widhwidh inay cod waydiin karto, isla markaana deegaamadaa looga codayn  doono  Xisbiga KULMIYE

Xildhibaanka ayaa fariin u diray Shacabka Buuhoodle iyo Degmada  Widhwidh.”Waxa aan fariin u dirayaa Shacabka Buuhoodle iyo Degmada  Widhwidh Ninkii wax ku gashada waxbuu kaa doonayaa, hadii Ceelkan inoo soo boxo Xukuumadda Xisbiga Kulmiye cidna la simi mayno waayo  baahidii degmada ayay dhamaystireen.waxaana  ay noqonaysaa in Kulmiye codka helo uun,”.ayuu yidhi  Xildhibaan Budeeye.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa  uga mahadnaqay Madaxweynaha Somaliland Riigbiyoodka laga hirgalinayo Degmada Widhwidh.Waxaanu yidhi”Waxa  aan u mahadnaqaynaa Madaxweynaha Somaliland oo ogaaday baahida Biyaha ee qaybto Degmada Widhwidh,waxaanu  amray in Riigbiyood  laga fuliyo degmada Widhwidh.
una wakiishay Wasiirka Horumarinta biyaha Cali Meereexaan.baahi weyn ayaa biyaha loo qabay waxaana nasiib u yeeshay in Riigbiyood halkaas la geeyo Madaxweynaha Somaliland, waxaana Wasiir Cali Maareexaan nasiib u yeeshay isagoon ballanqaad samayn in  Riigbiyoodkii halkaas la geeyo

Leave a Reply