“Waxaan Ku Hamiyay In aan Hantiile Noqdo”! Mr.Howard Schultz

0
253

Ninka lagu magacaabo Mr.Howard Schultz  waa Maraykan dhashay sanadkii 1953, waxaana uu ka soo jeeday qoys sabool ah oo degan guryaha dadka faqiirka. Waxa uu sheegay inuu wakhtigaasi ay isaga iyo qoyskiisu faqiirka ahaayeen uu ku fikir jiray sidii uu uga bixi lahaa mushkuladda saboolnimada. Waxa ku adkayd lacagta uu waxbarashada iskaga bixiyo, waxaana uu ku dedaalay inuu si fiican u barto kubadda cagta si uu uga dhigto xirfad uu iskaga bixiyo waxbarashada.

Aakhrikiina waxa uu noqday wiil xariif ku ah farsamada kubbada cagta taasi waxa ay u fududaysay in jaamacadda University of Northern Machigan, ay siiso deeq waxbarasho. Wakhtigii uu ka qalin jebiyay jaamacadda waxa uu shaqo ka helay huteelada Starbucks oo bunka laga cabo, oo dunida ay uga furaayeen 60 huteel oo la mid ah midka uu ka hawlgalay.

Sanadkii 1986 ayuu noqday maamulaha shirkadda huteeladaasi. Wakhatigaasi ayuu balaadhiyay ganacsigii shirkadda isagoo dunida ka sameeyay 16000 huteel. Waxaana uu shirkadaasi ka shaqaynayay ilaa laga gaadhay sanadkii 2000.

Mudadaasi ka dibna waxa uu noqday hantiile samaystay shirkadda Seattle SuperSonics, isagoo sidoo kalen xubin ka noqday gudida maamulka ee shirkadda Square, Inc.

Bishii Disember 1, 2016, ayuu Mr.Schultz ku dhawaaqay inuu iska casilay maamulihii shirkadaasi  CEO of Starbucks, Waxaana wakhtigaasi loo doortay madax fulinta ee shirkadda. Laakiin bishii April 2017 waxa uu ku guuleystay inuu noqdo madaxa shirkada Kevin Johnson.

Mr. Howard Schultz  bishii Juun 4, 2018, wuxuu ku dhawaaqay inuu ka fadhiisanayo guddoomiyihii fulinta, waxaana laga ogolaaday Juun 26, 2018. Mr.Howard Schultz  ayaa wakhtigaasi sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay in himiladiisu tahay inuu isu sharaxo jagada madaxweynaha Maraykanka oo horeba u higsanayay

Wargeyska Forbes magazine ayaa sheegtay sanadkii  2020  sheegay in Howard Schultz  uu yahay in haysto hanti dhan $ 4.3 Billyan.

 

 

 

 

Leave a Reply