Gudoomiyaha Sariflayaasha ururka Wadajir ee Goboladda Bariga Somaliland oo bogaadiyay shaqada Baanka Dhexe

0
391

Burco (Dawan) Gudoomiyaha Sariflayaasha ururka Wadajir ee Goboladda Bariga Somaliland ayaa bogaadiyay shaqada baanka dhexe u hayo qaranka ee la xidhidha illaalinta sarifka doollarka iyo kor u qaadida adeegsiga shilinka Somaliland.

Guddoomiyaha ururka sariflayaasha Wadajir ee Goboladda Bariga Somaliland Jamaal Maxamed Cali wuxuu amaanay shaqada uu qaranka u hayo baanka dhexe, waxaanuu tilmaamay in dadaal galiyeen shilinka Somaliland noqdo mid qiimo leh.

Jamaal Maxamed guddoomiyaha ururka sariflayaasha Wadajir ee Goboladda Bariga Somaliland waxa kale oo tilmaamay in baanku ku guulaystay in qiimaha sarifka doolarku yahay mid degan, iyadoo wax badan iska badaleen sarifka lacagaha adduunka.

Guddoomiyaha ururka sariflayaasha Wadajir ee Goboladda Bariga Somaliland Jamaal Maxamed waxaa kale oo uu sheegay in ururkaas ay wada shaqaynb leeyhiin baanka dhexe ee Somaliland, waxaanuu intaas ku daray in wada shaqaynta baanka dhexe iyo ururka sarifleyaashu ay keentay guul xagga qiimaha sarifka doollarka ah.

 

 

 

 

Leave a Reply