Qalbiga ku Beer Sabirka Iyo Kalsoonida!

0
311

Niyad jabku marna xal kuu noqon maayo . Werwerka iyo walbahaarkuna mushkiladaada kuuma xalilayaan. Wax ku dhaafayna murugadu ma soo celiso. Baro in qalbigaaga aad ku beertid sabir, waxaad ogaataana in Allah (sw) la jiro kuwa sabra.

Quruxada iyo wanaagga  nolosha waxaad dareemaysaa markaad maalin kasta oo qoraxadu ay kuu soo baxado aad aaminto in ay tahay deeq Allah (sw)  kaaga timid si aad u furato bog cusub, oo khayr ka buuxo kuna waayo aragto wixii wakhti kaa luma iyo khasaarihii shalay!..

Maxaa yeelay si kasta oo aad u fikirto marna kuuma soo noqonayo wakhti ku dhaafay, kana aad taagan tahay ka faa’iidasyo.

Leave a Reply