Dhibtaadu Way Dhamaata, Ha Niyad-jabin!

0
276

Waxa jirta wakhti uu qofku gaadho heer uu nolosha ka quusto, oo uu maleeyo in aanu ka baxayn dhibtaasi, ayuu xagga Allah (sw) uga yimaadda faraj iyo badbaado.

Yaase filayay in Haajara ( Xaaskii Nebi Ibraahim Cs) oo dhex guclaynaysa Safa iyo Marwa dhexdooda iyadoo raadinaysa biyo ay cabaan, in labada lugood ee inankeeda ka soo burqaan doonaan ceelka biyaha samsamku.

Ceelka samsamku uma soo burqan si ay u cabaan Haajira iyo wiilkeeda Ismaaciil waxa loogu talo galay in ay cabaan ummaduhu ilaa maalinta Qiyaamaha.

Sidaasi ayuu Allah )sw) xaaladaha isugu bedela ilbidhqsi gudihii. Dhibaatada laguma waaro. Imaam Ibnu Qayim waxa uu yidhi :” Dhamaanteen waxa ina soo wada maray xaalado adag oo inoogu muuqday dhamaadka nolosheena, dhamantood maanta keliya waa xusuuso hore oo ku dhaafay”.

“ Ha quusan Rabigaa ku kalsoonow, cibaadada ugu weyni waa sugidda iyo filashada farajka iyo guusha”  ( Buugga Rasaa’il 40aad )

Leave a Reply