Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka Hadlay muhiimadda Maamul Daadejinta ee Adeegyada Bulshada

0
258

 

Hargeysa(Dawan):-Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Maxamed Kaahin Axmed,ayaa ka hadlay muhiimadda uu qaranka u leeyahay fulinta maamul daadejinta adeegyada bulshada.

 

Waxaanu tilmaamay in loo baahan yahay in maamul daadejinta adeegyada bulshada loo baahan yahay in ay dadka gacanta ku hayaa in ay noqdaan dad aamin ah oo bulshada wada gaadhsiiya dhammaan adeegyada bulshada ee maamul daadejinta.

Waxaanu sidaa ka sheegay wasiir Maxamed Kaahin mar kuu shalay ka qayb galay Shir Waynaha Maamulka Daadejinta Waxbarashada ee (Primary Education Decentralization Conference), kaasoo ka qabsoomay Hotel Ambassador.

Wasiirka  oo Khudbad dheer ka jeediyey shirkaas ayaa ka waramay muhiimada shirka iyo in ay waajib Dawladda saaran ay tahay in la wada gaadhsiiyo Bulshada qaybeheeda kala duwan,iyadoo ay muhiim ay  tahay dadka fulinaya nidaamka Maamulka Daadejinta inay noqdaan dad daacad ah oo aqoon leh, sida Waxbarashada, Caafimaadka iyo Biyaha oo dhammaantood ah adeegyada aas-aasiga ah.

 

Leave a Reply