Boqoradii Dhakhtarada Ahayd!

0
153

Qarniyadii dhexe ilaa laga soo gaadhayay qarinigii 19aad Boqorada Ingiriiska iyo ka Faransiiska waxa la aaminsanaa inay leeyihiin awood ay ku bogsiin karaan xanuunada qaarkood kuwaasi oo dadka qaba inay daweeyaan loogu keeni jiray qasriyadooda.

Xaqiiqdii sheegashadaasi waxa ay ahayd mid yaab leh ah, maxaa yeelay waxay awoodeen inay daweeyaan xanuunka ku dhaca maqaarka iyo xanuunka beer xanuunka (Jooniska) fudud , oo wakhtigaasi aan wax badan laga aqoon.

Xanuunka ku dhaca maqaarka sida boogaha ka baxa wejiga iyo gacmaha ama bararka jidhka iyo maqaarka sare ku dhaca, waxa ay ahaayeen kuwa ay sheegteen inay dawaynayaan.

Inkasta oo daawoyinkaasi muujiyeen inay boqoradu awoodaan inay daweeyan dadka xanuunadaasi qaba,  haddana Nasiib daro qaabka ay u adeegsan jireen xanuunada iyo dawooyinkii ay isticmaali jireenba si fudud ayay u lumeen, ka dib markii ay iyaga keligood isku koobeen oo aanay jirin cid la garanaysay daawooyinka iyo qaabka ay adeegsan jireen.

Leave a Reply