Codbixintii ugu dheerayd ee afhayeenka Aqalka Wakiilada Maraykanku laba bilood ayey socotay

0
164

Kevin McCarthy oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa wareeggii 15-aad loo doortay afhayeenka Aqalka Congress-ka Maraykanka subaxnimadii hore ee Sabtidii kadib markii uu tanaasulaad badan u sameeyay koox ka mid ah garabka midig ee mayalka adag oo su’aalo badan ka keenay awoodda hoggaamintiisa.

Ka dib shan maalmood oo xidhiidh ah ay dhaceen15 wareeg oo codayn ah ayaa waxa tanaasulaad sameeyey kooxda garabka midigta fog ee xisbigiisa, waxaana suuragashay in xildhibaankan laga soo doorto gobolka California Kevin McCarthy ugu danbeyntii loo doortay in uu noqdo afhayeenka golaha wakiillada Maraykanka.

McCarthy oo 57 jir ah ayaa muddo sanada ah doonayay in uu noqdo afhayeenka Golaha Wakiillada. Toddobaadyadii la soo dhaafay waxa uu si isdaba joog ah ula kulmayay xubnaha Jamhuuriiinta si uu u xaqiijiyo codkooda. Laakiin 14 goor waxaa diiday ilaa 20 xubnood oo ka tirsan xisbigiisa.

McCarthy ayaa helay 216 cod, isaga oo waayay hal cod oo ka mid ah tirada looga baahnaa guushiisa wareegii 14-aadd, iyada oo koox yar oo garabka midig ah ay taako u dhigteen, inkasta oo uu ballanqaaday kharash dhimis iyo tanaasulaad kale, taas oo sababtay in uu ku guuleystay codadka qaar badan oo ka mid ah xildhibaannadii garabka midig oo hore u diiddanaa.

Codka ugu muhiimsanaa ee uu McCarthy raadinayay ayaa ahaa kan xildhibaanka mayalka adag ee Matt Gaetz oo ka aamusay halkii uu uga codayn lahaa.

Xubno ka tirsan hoggaanka xisbiga Jamhuuriga ayaa dul dhoobtay Gaetz oo laga soo doorto Florida muddo daqiiqado ah, iyaga oo isku dayayay inay ku qanciyaan inuu beddelo go’aankiisa ka hor inta aanu McCarthy aqbalin guuldaradii 14-aad.

McCarthy ayaan marnaba muujin in uu isaga hadhi doono tartanka uu ku doonayay in uu Golaha Wakiillada ku hoggaamiyo, taasi oo sidoo kale uu dastuurku ka dhigayo qofka labaad ee hoggaanka dalka kuna xiga madaxweyne ku-xigeenka.

Gacan ka hadal kooban ayaa ka dhacay goobta doorashada, iyada oo Mike Rogers uu handaday Gates, laakiin xubnaha kale ee xisbigiisa ayaa dejiyay Rogers.

Natiijadan ayaa waxay jahawareer ku ridday golaha wakiilada kadib muddo toddobaad ah oo ay codayn is daba joog ahi socotay, taas oo iftiimisay kala qaybsanaanta xubnaha xisbiga Jamhuuriga.

Waa markii ugu horreysay tan iyo 1859kii ee xarunta Congress-ka Maraykanka wajado doorasho ragaadisa howlaha shaqo ee xubnaha Congress-ka.

Hadba tani ma doorashadii ugu dheerayd ayey ahayd?. Runtii may ahayn doorashadii ugu dheerayd laakiin waa la ilaawey sababta oo ah sanadkii 1859 ayaa doorashadii ugu dheerayd ee gudoomiye lagu doortaa ay dhacday. Doorashada hada ee McCarthy waxay socotay shan maalmood laakiin doorashadii ugu dheerayd ee lagu doorto Afhayeen ama gudoomiyaha Aqalka Congress-ka waxay socotay laba bilood.

Sannadkii 1923-kii, ayey ahayd markii jabhad kale oo Jamhuurigu keentay in cod bixintu dheeraato. Sannadkaas, markii uu furmay Shirweynihii 34aad, waxay qaadatay rikoodh laba bilood ah – iyo 133 cod in la doorto Guddoomiye, waana mudadii ugu dheerayd inta uu jiray Aqalka Congressku, tan iyo sanadkii 1855.

Wakhtigaas oo ay ka soo wareegtay 234 sano, 14 doorasho oo kaliya ayaa u baahnaa codad badan, 7 ka mid ah oo kaliya ayaa u baahnaa in ka badan 10 wareeg.

Doorashadii 1855 oo dhacday bishii December, waxay u dhaxaysay William Richardson oo Dimuqraadiga ahaa kana soo jeeda Illinois – waxa ka soo horjeeday Nathaniel Banks oo ka yimid Massachusetts, oo ka tirsanaa Xisbiga Jamhuuriga.

Kaliya 113 cod ayaa loo baahday si loo gaadho aqlabiyadda Aqalka Wakiilada wakhtigaas, wakhtigaas mowduuca addoonsiga ayaa si qoto dheer uga dhex muuqday aqalka. Codbixintii 33-aad, Mr Banks ayaa ku guuleystay 100 cod.

 

 

 

 

Leave a Reply