Xikmadaha Maanta

0
536
  • Markaad dhimato Haddii lugahaagu raad dhulka kaga tegeen, qalbigaaguna wuxu raad kaga tagaa quluubta dadka, qofna ha dulmiyin, ha xaqirin hana xaman.
  • Quruxda maalqabeenku waa deeqsinimo, quruxda saboolkuna waa qanaaco, quruxda gabadhuna waa dhawrsooni
  • U dhegaysi dadka sida aad jeceshahay inay kuu dhegaystaan
  • Dadka qaarkood kugu arki mayaan indhahooda waxay kugu arkayaan indhaha qof kale oo kaaga soo sheekeeyay, markaa u dulqaado
  • Dad badan dhegayso, kuwo badana la sheekayso aqoon badan ayaa heli
  • Ma jiro qof qurux badan ama mid fooxl xumi ee fikirka aadamiga ayaa labadaba sawirta
  • Dadka wada jeclow laakiin inyar ku kalsoonow, qofna haku gefin xaqiisa.
  • Ninku wuxu doonayaa inuu helo gabadh dhamaystiran , Inantuna waxay rabata inay hesho nin dhamaytrin, waxase ay ilawosan yihiin in Allah ugu talo galay inay iyagu is dhamaystiraan.
  • Gacanta ku soo qabta markaad dhacayso, waxay ka khayr badan tahay kun gacmood oo ku salaama wakhtiga aad guulaysto.

 

 

Leave a Reply