Gabadha uu dhalay Boqorka Thailand ayaa muddo Todobaad ah ku jirtay miyir la’aan

0
185

Amiirada Thailand Bajrakitiyabha ayaa weli ku jirta xaalad miyir la’aan ah in ka badan saddex toddobaad ka dib markii ay soo food saartay dhibaato dhinaca wadnaha ah, bayaan ka soo baxay qasriga oo dadka lagula socosiinayo caafimaadka Amiirada 44-jirka ah ayaa lagu sheegay sheegay sidaa.

Gabadhan oo ah curada Boqorka Thailand Thai Maha Vajiralongkorn ayaa ah mustaqbalka dhaxalka boqortooyada. Waxay miyir beeshay 15-kii Dec.

Amiiradda xaaladeeda guud ayaa ah in ay suuxsan tahay,” ayuu lagu yidhi warka qasriga.

“Dhakhaatiirtu waxay sii wadaan bixinta daawada waxayna isticmaalaan qalab si ay u taageeraan hawlaha wadnaha, sambabada iyo kelyaha iyo sidoo kale isticmaalka antibiyootiga iyaga oo si dhow ula socda xaaladeeda,” ayaa lagu yidhi.

Princess Bajarakitiyabha ayaa xannuunsatay xilli ay Eygeeda ay u diyaarinaysay tartan ka dhacayey waqooyi bari ee gobolka Nakhon Ratchasima, halkaas oo markii hore lagu daweeyay ka hor inta aan diyaarad helicopter ah loogu qaadin Bangkok.

Waxay ka mid tahay saddex carruur ah oo uu dhalay Boqor Vajiralongkorn oo leh dhaxalka boqorka, taas oo ka dhigaysa inay u qalanto carshiga marka loo eego sharciga dhaxalka ee qasriga iyo dastuurka dalka.

Boqorka ayaan weli si rasmi ah u magacaabin dhaxal-sugaha, mana jiro hadal rasmi ah oo ku saabsan rajada magacaabideeda ay qabato kursiga.

Princess Bajarakitiyabha, oo ah qareen tababaran oo haysta shahaadada Masterka iyo doctorate-ka ee Jaamacadda Cornell, waxay soo noqotay danjiraha Thailand ee Austria, Slovenia iyo Slovakia waxayna door ka qaadatay xafiiska xeer ilaaliyaha guud, Taliyaha Nabadsugida Royal iyo safiirka Thai ee Komishanka Dambiyada ee Qaramada Midoobay. Kahortagga iyo Cadaaladda Dambiyada.

Waxay dhalatay December 7, 1978. Hooyadeed waa xaaska koowaad ee boqorka, Princess Soamsawali.

 

Leave a Reply