19 qof ayaa ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay Shiinaha

0
260

19 qof ayaa dhintay 20 kalana waa ay ku dhaawacmeen shil baabuur oo Axaddii shalay ahayd ka dhacay gobolka Jiangxi ee bariga Shiinaha, sida ay warbaahinta dalkaasi wariyeen.

Shilkan dhimashada badan sababay ayaa abaaro 1-dii habeennimo ee wakhtiga gobolkaasi ka dhacay Nanchang sida ay warbaahinta CCTV oo soo xiganeysa saraakiil maxalli ah ku warrantay. CCTV ayaa warisay in sababta keentay shilkan wali la baarayo.

Warbaahinta maxalliga ah Jimu ee xiriirka la leh warbaahinta dowladda ee Hubei Daily Media ayaa ku warrameysa in shilka uu dhacay ka dib markii baabuur weyn oo xamuul ah uu ku dhacay dad meyd siday.

Gaadhiga xamuulka ah ayaa si lama filaan ah u goostay Bereega u goostay kuna dhacay qeyb ka mid ah dadka meydka galbinayay.

 

Leave a Reply